Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hayโadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barrow.
Howlgalkaas ayaa lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo muddo dheer dhibaato ku hayay nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.
Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay dhaca iyo baadda hantida shacabka, falal amni-darro oo uu ka geystay deegaanno kala duwan, iyo cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay bulshada.
Sidoo kale, Cabdullaahi Wadaad ayaa ku lug lahaa dilalka ganacsato badan oo dalkooda maalgashanayay, iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka, sida uu wasiirku xusay.