Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul wasaare Xamse:” Aqoonyahannada maanta qalin jabiyey waa kuwii dalka u hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaare Xamse:” Aqoonyahannada maanta qalin jabiyey waa kuwii dalka u hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka”
GudahaWararka

Ra’iisul wasaare Xamse:” Aqoonyahannada maanta qalin jabiyey waa kuwii dalka u hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka”

By SB
Last updated: January 24, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanno dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE).

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey aqoonyahanka qalin-jabiyay dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen, si ay u gaaraan heerkan sare ee aqooneed, ayaa xusay in culuumta ay barteen ay tahay mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada, nabadda, iyo horumar waara oo dalkeenna uu gaaro.

“Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa horumarka tacliinta sare ee dalka, in aan aragno arday Soomaaliyeed ah oo dalkooda gudihiisa ku qaadanaya shahaadooyinka sare ee PhD iyo Master, waa guul u soo hoyatay Qaranka. Aqoonyahannada maanta qalin-jabiyey waa kuwii hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka aan uga baahannahay dalkeenna in uu gaaro.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Jaamacadda University for Peace (UPEACE) doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta aqoonta, si looga gudbo caqabadaha hortaagan xasilloonida iyo horumarka bulshada.

“Xukuumad ahaan waxbarashada waxaan u aragna horumarka nolosha, sidaas darteed Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP2025 – 2029) waxaa tiir dhexaad u ah horumarinta karaanka aadanaha, waxaan aaminsanahay in bulshada wax la baro, Jaamacadaha dalka waxa ay qeyb weyn ka yihiin horumarka dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay aqoonyahannada qalinjabiyey in ay cilmigooda ugu adeegaan dadka iyo dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in looga fadhiyo in ay qayb ka noqdaan qorshayaasha lagu xasilinayo dalka iyo dib-u-dhiska nidaamka dowladnimo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dulmiga khawaarijta oo gaaray in ay maytidu qabriyada uga jiri waayaan (Warbixin)

Muddo 15 sano ah oo kooxda khawaariijtu ka talinaysay deegaanadda gobolka Shabeellaha Dhexe waxa maalin ba daaha laga faydayaa dhacdo…

GudahaWararka
January 10, 2023

Soomaalida Mareykanka oo soo dhoweysay musharax u taagan Duqa magaalada Minyabulis

Xaflad ballaaran oo loo soo agaasimay si heer sare ah,isla markaana lagu soo dhoweynaayey musharrax AJ Cawada oo u tartami…

Gudaha
April 9, 2021

DAAWO: 9 ruux oo ka bogsatay COVID-19 oo laga bixiyay Isbitaalka Martiini

9 ruux oo ka bogsatay cudurka COVID-19 ayaa laga bixiyay Isbitaalka Martiini, kuwaasi oo helay adeeg caafimaad oo tayo leh.…

Wararka
February 23, 2021

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo daah-furtay kulanka wada-tashiga warbixinta falanqeynta Waxbarashada dalka 

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furtay kulanka wada-tashiga warbixinta falanqeynta Waxbarashada dalka (Education Sector…

GudahaWararka
June 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023