Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah xubno ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha hortaagan kobaca ganacsiga, horumarinta jawi ganacsi oo dhiirrigeliya maalgashiga, iyo dejinta istiraatiijiyado wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.
Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey xal u helidda iyo sida loo horumarin karo wax-soo-saarka gudaha, dhoofinta iyo kobcinta warshadaha maxalliga ah.
Wasiirka oo kulankaasi ka hadlay waxa uuย carrabka ku adkeeyey in wasaaraddu ay mudnaan siinayso la-shaqeynta ganacsatada ,si loo dardargeliyo ganacsiga, warshadaynta, iyo horumarka dhaqaale ee dalka.
Qaar kamid ah ganacsatda oo hadlay ayaa muujiyey doorkooda muhiimka ah ee kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin,iyaguna soo bandhigay fursado iskaashi oo laga yeelan karo dhinacyada
dhoofinta iyo soo dejinta.