Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga
    January 21, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Uganda oo mar kale la doortay
    January 21, 2026
    Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur goboleedka IGAD
    January 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka iyo warbaahinta u diray hambalyo ku aaddan xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Agaasimaha guud ee wasaaradda Gadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxda Shirkadda Horumarinta Cusub ee Muqdisho
    January 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
GudahaMaqaallada

21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya

By Kulane
Last updated: January 21, 2026
5 Min Read
Share

Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.

Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas lehi ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey goโ€™aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo.

Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.

Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay.

Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.

Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.

Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga.

Arintani waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.

Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.

Ugu dambeyntii anigoo ka faaiideysanaya munaasabaddan waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan warfaafinta Soomaaliya meel kasta oo ay dunida ka joogaan waayeelkooda iyo dhallinyaradooda, Waxaan u rajaynayaa dhamaantood xirfadleyda warbaahinta Soomaaliyeed bad qab iyo caafimaaf. Waxaan ogahay in kuwooda xirfad-yaqaanka ah, daacadda ah ee uusan saameyn eex, qabiil iyo hunguri iney ugu shaqeyn doonaan dadkooda iyo dalkooda si hufan oo waxtar u ah bulshada iyo dalka.

WQ Abuukar Xaaji Goobdoon.


Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),…

January 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hadal jeedinta musharixiinta Aqalka sare oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Kismaayo-(SONNA)-Maanta Gelinka hore ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u tartameeysa kuraasta…

GudahaWararka
October 20, 2021

Wasiirka Amniga oo sheegay in falalka Argagixisada aysan mar naba ka hor istaagi doonin xaqiijinta Amniga.

MUQDISHO (MUQDISHO)- Wasiirka Amniga XFS oo sheegay in falalka guracan ee kooxahaha argagaxisada aysan marba hor joogsan doonin xaqiijinta amniga…

GudahaWararka
September 26, 2021

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay xuska 26ka June

Muqdisho,(SONNA) Juun 26-2021,Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasibadda 26-ka June oo…

Gudaha
June 26, 2021

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—ค๐—ผ๐—ณ ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ฑ๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€

Muqdisho(SONNA): โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib…

GudahaWararka
May 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023