Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.
