Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xarigga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Baarkinkan cusub ayey si weyn ugu baahnaayeen Shacabka Soomaaliyeed iyo isticmaalayaasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,baarkinka ayaa sidoo kale wax weyn ku soo kordhinaya adeegyada ganacsi ee garoonka iyo bilicdiisa.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin oo ka hadlay furitaanka baarkinka cusub ayaa yiri“Baakinkaan casriga ah waa bilowga qurxinta iyo qaabeynta wajiga hore ee Garoonka Aadan Cadde.”
