Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: January 9, 2026
6 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliya, isagoo diiradda saarey arrimaha dib u heshiisiinta iyo faragelinta ay Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

2- Madaxweyhne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, isagoo u jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka , dagaalka lagu ciribtiraaya Khawaarijta iyo doorashooyinka golaha degaanka ee dhawaan ka qabsoomay Muqdisho.

3- Golaha wasiirada ayaa ansaxiyey labo Heshiis is-afgarad oo dhexeeya Soomaaliya Uganda oo dhinaca amniga ah, iyo mid u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Caraabiya oo dhinaca iskaashiga gaadiidka badda.

4- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud,iyadoo kulanka diirrada lagu saarey taageerada midnimada Soomaaliya.

5- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Sugiono,iyagoo ka wadahadlay muhiimada ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhul iyo midnimada qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ayaa shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadisay qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul leh u dhacday 25-kii Diseembar 2025-ka.

7- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababarka Ciidamada TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

8- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel uu ku tagey magaalada Hargeysa, tallaabadaas oo ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Danjire Sam Thomas,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagalaanka argagaxisada.

10- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaan Khawaarijta.

11- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay Degmada Jilib lagu dilay horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar (Eng Ismaaciil), kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada,amniga gudaha iyo hawlgalada dibedda.

12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo u dabaaldagey munaasabadda xuska sannad-guuradii 62-aad.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa xarigga ka jaray mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho iyo Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud ayaa magaalada Washington kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saarey muhimadda ilaalinta madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

15- Dhowr iyo labaatan dowladood oo soo saarey War Murtiyeed loo dhan yahay oo ay ku diidan yihiin faragelinta Israel ee madaxbanaanida Soomaaliya, iyagoo si buuxda u taageeray madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa burburiyay warshad sameysa qaraxyada kooxda Khawaarijta oo ku taalley degmada Saakow.

17- Wasiirrada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraaโ€™id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadka Israel ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

18- Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga ,oo uu horkacayay Taliyaha Ciidamada ร–zel Hareket, iyadoo kulanka diirrada lagu saarey xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga ee u dhexeeya labada dal.

19- Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirasaaq Maxamed, ayaa si rasmi ah u daah furay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Toban (10) shirkadood ee ku guuleystay Tartanka Hal-Abuurka Furan ee Suuq-helidda Beeraleyda Soomaaliyeed 2025-ka ,oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

20- Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadkii ay Israaโ€™iil ku aqoonsatay โ€œSomalilandโ€ oo qeyb ka ah dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaana taageeray madax-banaanida ,midnimada dhuleed iyo xasiloonida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

21- Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israaโ€™iil ku tagay magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya.

22- Isu-soo-bax ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, laguna muujinayay diidmada faragelinta ay Israel ku hayso midnimada dalka, ayaa lagu qabtay Muqdisho.

23- Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka soo horjeeda faragelinta Israel ku sameysay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

24- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda abaaraha ee dalka oo si weyn saameeyay bulshada soomaaliyeed .

25- Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

In ka badan 50-Khawaarij ah oo lagu dilay jubada jubada hoose

Kismaayo (SONNA ): Hawlgal burburin ah oo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen…

GudahaWararka
July 11, 2023

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay shirka Warbixinta Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah

Beijing, (SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee…

GudahaWararka
June 20, 2023

Ciidanka Boliiska oo gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay dil ka dhacay Nairobi

Muqdisho (SONNA):- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo…

GudahaWararka
December 24, 2023

Ku simaha madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA);ย  Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa…

GudahaWararka
February 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023