Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland
GudahaWararka

Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland

By SB
Last updated: December 30, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’i1l ee maamulka Somaliland, kaddib markii 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha golahaasi ay si cad u cambaareeyeen tallaabadaas.
Intii uu socday kulanka degdegga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in aqoonsigaasi uu gogol-xaar u noqon karo qorshe halis ah oo lagu doonayo in si qasab ah Falastiiniyiinta looga raro Qaza ,lana geeyo Geeska Afrika.

Kalfadhiga degdegga ah oo loo qabtay in lagu falanqeeyo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadaas ayaa muujisay in Mareykanku uu ahaa waddanka kaliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee ka gaabsaday cambaareynta aqoonsiga Israa’i1l siisay maamulka gooni-goosadka ah.
Inkasta oo ay arrintaasi keentay go’doomin diblomaasiyadeed, Washington waxay caddeysay in mowqifkeeda siyaasadeed uusan wax isbeddel ah ku iman. Ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in inkasta oo Israa’i1l ay xaq u leedahay inay samaysato xiriir diblomaasiyadeed, haddana Mareykanku “uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku saabsan aqoonsi Somaliland, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Mareykanka.”

Isagoo hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka,
Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo hadal ka jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu baaqay xubnaha golaha inay si adag u diidaan falalka gardarrada ah ee Isra’i1l,isagoo carraka ku adkeeyay in tallaabadani aysan khatar ku ahayn oo kaliya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo gobollada ku teedsan Badda Cas.
Danjiruhu waxa uu si gaar ah u muujiyay walaac ku aaddan suurtagalnimada in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu fududeeyo qorshe Israa’i1l ay ku doonayso in si qasab ah “dadka Falastiiniyiinta looga raro Qaza loona dajiyo gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya.”

“Xadgudubkan ka dhanka ah sharciga caalamiga ah iyo akhlaaqda bani’aadanimo waa in si degdeg ah loo joojiyaa,” ayuu Danjire Abuukar Daahir Cismaan u sheegay Golaha, isaga oo ku tilmaamay qorshe kasta oo barakicin qasab ah mid si cad uga hor imaanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.

Walaaca la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ay muujiyeen wufuud kale oo muhiim ah, Iyagoo ku hadlaya magaca 22-ka waddan ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Ergeyga Qaramada Midoobay, Maajid Cabdulfataax Cabdulcasiis, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u diidan tahay “tallaabo kasta oo ka dhalatay aqoonsigan sharci-darrada ah, kuna wajahan fududeynta barakicinta qasabka ah ee dadka Falastiiniyiinta, ama ka faa’iidaysiga dekedaha waqooyiga Soomaaliya si loogu dhiso saldhigyo ciidan.
Sidoo kale, Ku-xigeenka Safiirka Pakistan ee Qaramada Midoobay, Maxamed Cusmaan Iqbal Jadoon, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga mid “sharci-darro ah” iyo “aad u halis badan,” isaga oo xusay inuu ka hor imanayo tixraacyo hore oo gobolka loogu arkayay meel Falastiiniyiinta lagu masaafuriyo.

Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska, oo labaduba ah xubno joogto ah oo Golaha Ammaanka ka tirsan, ayaa ku biiray mowqifka diidmada,waxaana Ergeyga Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei, uu sheegay in Beijing “ay si adag uga soo horjeeddo fal kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koonfur Afrika ayaa iyaguna xaqiijiyay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ku asteysan xeerarka Midowga Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Ruushka oo sheegtay in ay si adag u garab taagan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay si cad oo rasmi ah u garab taagantahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya…

GudahaWararka
December 30, 2025

Wasaaradda arrimaha gudaha oo war kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha

                         JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERAALKA IYO…

Wararka
November 15, 2019

Xukuumadda Oo Dib u Fureysa Duullimaadyada Gudaha Dalka

Muqdisho (SONNA)-Shir golaha Wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu Guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed…

Wararka
July 2, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Imaamka Azhar

Muqdisho.(SONNA):- wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxmaed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa la kulmay Imaamka Jaamacadda…

GudahaWararka
March 24, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023