Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland.
Wasiirku waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira aqoonsiga iyo masiirka dalka ay yihiin kuwo go’aan kooda kama dambaysta ahi yaallo caasimadda Muqdisho.
Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in go’aankan uu dhaawacayo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.