Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya
    December 26, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    December 26, 2025
    Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika oo Hambalyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed
    December 26, 2025
    Mareykanka oo duqeeyay koox Daacish ah oo ku sugan Nigeria
    December 26, 2025
    Madaxa Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada golaha deegaanka ee ka dhacday Muqdisho
    December 26, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya
GudahaWararka

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

By SB
Last updated: December 26, 2025
4 Min Read
Share
back to school social media post banner template

Muqdisho(SONNA):-Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin u xaqiijinaysaa go’aankeeda adag ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda qaran iyo wadajirka dhulkeeda, sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda oo aan shaki ku jirin u diidaysaa tallaabada sharci-darrada ah iyo weerarka tooska ah ee lagu soo qaaday madax-bannaanideeda, kaas oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato waqooyiga Soomaaliya. Gobolka Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana dhul aan laga goyn karin, aan la kala saari karin, kana mid ah dhulka qaranka Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka waxay adkaynaysaa in Soomaaliya tahay hal dal oo mideysan, aan la kala qaybin karin, isla markaana aanay jirin cid shisheeye ah oo xaq ama awood u leh inay wax ka beddesho midnimadeeda ama qaab-dhismeedka dhulkeeda. Qoraal, aqoonsi, ama heshiis kasta oo lagu wiiqayo xaqiiqadan waa waxba kama jiraan, sharci iyo siyaasad midna kama laha sharciga caalamiga ah. Arrimaha ku saabsan midnimada Soomaaliya, maamulkeeda iyo nidaamkeeda dastuuriga ah waa xuquuq gaar u ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xallin karaa oo keliya hannaan sharciyeysan, dastuur ah, iyo mid nabadeed.

Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa taageeradeeda mabda’a ku dhisan ee ay la garab taagan tahay xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin is-go’aamin. Waxay si adag u diidaysaa gumeysi, barakicin khasab ah, wax ka beddelka qaab-dhismeedka bulshada, iyo ballaarinta deegaamaynta sharci-darrada ah dhammaan noocyadooda. Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in shacabka Falastiin laga dhigo dad aan dal lahayn.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa inaanay oggolaan doonin in dhulkeeda laga hirgeliyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo militari oo Soomaaliya gelin kara dagaallo wakiil ah ama soo gelin kara colaado goboleed iyo kuwo caalami ah.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digaysaa in tallaabooyinka sharci-darrada ah ee noocan ah ay si weyn u wiiqayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Bariga Dhexe, iyo guud ahaan gobolka. Tallaabooyinkan waxay ka hor imanayaan mas’uuliyadda wadajirka ah ee dowladaha ee la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna abuuri karaan jawi ay kooxaha argagixisadu ka faa’iideystaan xasillooni-darrada siyaasadeed, iyagoo wiiqaya dadaallada socda ee nabadda iyo amniga.

Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay wada-shaqayn dhisaysa oo mabda’ ku salaysan oo ay la yeelato beesha caalamka, iyadoo ku dhisan is-ixtiraam, u hoggaansanaan sharciga caalamiga ah, iyo iskaashi goboleed. Arrintan awgeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee lagama maarmaanka ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda, iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ahaadaan kuwo midaysan, feejigan, isla markaana u istaaga difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka qaranka.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeeraysaa dhammaan dowladaha iyo saaxiibada caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, ay dhowraan mabda’a faragelin-la’aanta iyo dhowrista midnimada dhuleed, ayna u dhaqmaan si mas’uuliyad leh, iyagoo danaynaya nabadda, xasilloonida, iyo amniga Geeska Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin…

December 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo shacabka ku boorriyay in laga qayb qaato la dagaallanka khawaarijta

Warsheekh-(SONNA)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa shacabka ku dhaqan degaanka Ceeloow ee hoos taga degmada Warsheekh…

GudahaWararka
June 19, 2024

Khawaariijtu waa shufto aan shaqo ku lahayn Diinta

Muqdisho(SONNA):-Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ah Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido…

MaqaalladaWararka
February 20, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

Carta(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta…

GudahaWararka
October 31, 2025

ICC oo baareysa dambiyo dagaal oo ka dhacay dhulka Falastiin

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Dambiyada Dagaal ee ICC ayaa furtay gal dacwadeed rasmi ah oo lagu baarayo eedeymo dambiyo…

Wararka
March 4, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023