Senator Muuse Suudi Yalaxoow iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa maanta codkooda ka dhiibtay Degmooyinka Kaaraan iyo Shangaani oo ay ka socdaan doorashada golaha deegaanka ee Gonolka Banaadir.
” Waxaa soo marnay marxalado adag, balse maanta dalka waa nabad, shacabkuna codkooda ayey ku ciil baxayaan”,sidaasi waxaa yiri xildhibaan Mocalimoow.
Senetor Muuse Suudi oo ka hadlay goobtii codbixinta ayaa farriin u diray kuwa diidan doorashada,isagoo ugu baaqay in ay wax la qeybsadaan umadda,isla markaana la ilaaliyo wadajirka umadda.
