Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: War-saxaafadeed: Madasha amniga Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-saxaafadeed: Madasha amniga Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
GudahaWararka

War-saxaafadeed: Madasha amniga Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay

By Abdulkadir
Last updated: December 23, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho SONNA) Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho. Madashan oo socon doonta muddo labo maalmood ah, oo cinwaankeedu yahay “Hormarinta Amniga Dhigitaalka ee Soomaaliya,” ayaa waxaa kasoo qeybgalay khubaro, mas’uuliyiin ka socda dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegga internetka, bangiyada, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Madashan, oo ah mid sanadle ah, ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta amniga dhijitaalka ee dalka, kobcinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo horumarinta fahamka guud ee daneeyayaasha ee ku wajahan mas’uuliyadda wadajirka ah ee amniga dhijitaalka. Sidoo kale, madasha waxaa lagu falanqeyn doonaa doorka amniga Saaybar-ka ee kaabayaasha dhijitaalka ee qaranka (Digital Public Infrastructure), iyo baahida loo qabo nidaamyo iyo siyaasado casri ah si loo yareeyo khataraha sii kordhaya ee internet-ka.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka madasha, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa soo dhaweeyay ka-qaybgalayaasha, isaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, jaamacadaha, iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Muqdisho iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee wada-qabashada madashan.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo furitaanka madasha ka hadlay, ayaa xusay in amniga saaybarku yahay tiir-dhexaad ka mid ah ajendaha isbeddelka dhijitaalka ee Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha dowladda, jaamacadaha, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si wadajir ah loo wajaho khataraha saaybarka. Maareeyaha ayaa sidookale xusay in HIQ ay ka go’an tahay dhismaha nidaamyo iyo awood farsamo si loo ilaaliyo kaabayaasha isgaarsiinta qaranka iyo adeegyada dhijitaalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Macallin Adan (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay madasha. Wasiirka ayaa ku tilmaamey in Amniga Saaybarka-ku uu yahay halbeeg qaran oo mudnaan gaar ah leh, isla markaana wasaaraddu ay waddo diyaarinta iyo hirgelinta sharciyo iyo siyaasado lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah, laguna ilaalinayo xogta iyo adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in mar dhaw baarlaamaanka ansixin doono sharciga Amniga Saaybarka.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee madasha, waxaa lagu soo bandhigi doonaa khudbado muhiim ah, fadhi-doodyo, warbixinno cilmi-baaris, iyadoo diiradda lagu saari doono horumarinta amniga Saaybar-ka ee dalka, wacyigelinta bulshada, iyo iskaashiga u dhexeeya daneeyaasha kala duwan ee amniga saaybarka dalkeenna. Doodahaasi waxaa laga filayaa in ay soo saaraan talooyin wax-ku-ool ah oo lagu sii xoojinayo heerka amniga saaybarka ee qaranka.

Madashan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadday dhanka horumarinta nidaamyo, siyaasado, iyo awood qaran oo lagu xaqiijinayo amniga dijitaalka ah iyo adkeysiga kaabeyaasha dhijitaalka ee Qaranka.

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay maamulka Xarunta Nabadda iyo Amniga.

Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Macalin ayaa ka qeybaglay kulan ay soo abaabuleen Haweenka Somaaliyeed ee ku bahoobayXarunta Nabada iyo…

Gudaha
February 28, 2025

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo bilowbday qeybta 2-aad tallaalka ka hortagga Covid 19

Muqdisho.(SONNA)...Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay in dalka oo dhan  laga bilaabay qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Covid…

Gudaha
June 10, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo isku xirta Isgoosyada Fagax iyo Kaaraan

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah…

GudahaWararka
October 22, 2023

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shir ku qabatay Galmudug

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayo caqabadaha ay la kulmaan xubnaha…

GudahaWararka
September 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023