Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa hambalyo ku aaddan Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleeyda, dableyda iyo qoysaskooda, munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad oo ku beegan maanta.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya “Maanta waa maalin muhiim u ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana u dirayaa hambalyo dhammaan ciidanka.”ayuu yiri Taliyuhu isagoo sidoo kale na faray in la sii laba jiba jibaaro waajibka qaran ee saaran ciidanka Booliiska.