Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/Hoose oo lagu tuhmay qaar kamid ah kooaha khawaarijta ee caadeystay sameynta falaka arxanka daran.
Ujeedka howlgalkaan oo ahaa sifeynta kooxaha nabad-diidka iyo soo celinta amniga waxaa intii uu socday gacanta lagu dhigay daawooyin iyo agab caafimaad oo khawaarijta loo waday.
Howlgalkaan ayaa ka kala dhacay Godey, Guumeys diid iyo Aybuutey,kuwaas oo kamid ah deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana wararku intasa ku darayaan in kooxo maleeshiyaad ah ay ka carareen halkaasi,kahor howlgalka.
