Baydhabo(SONNA):-Wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowlad goboleedka Soomaaliya ee koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqday Xaaladda Bani’aadanimo oo ka jirta Deegaanada Koonfur Galbeed.
Wasaaradda oo samaysay xog-uruurin ku xaalada Bani’aadanimo ee ka jirta deegaanada KGS ayaa waxay soo saartay warbixin sheegaysa in 621,000 qof oo ku nool KGS ayaa u baahan inay helaan gargaar Bani’aadanimo oo degdeg ah.
sidoo kale wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in
134,970 caruur ah oo da’dooda ka yar tahay 5 sano, ay wajahanayaan xaalad nafaqa-darro
oo aad u daran deeegaanada KGS.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in roobabkii oo yaraaday sababtay in ay saamayn ku yeelato dalaga beeraha iyo ilihii biyaha deegaanada koonfur galbeed taas na sababtay in shacabka u kala guuraan masaafooyin kala durugsan si ay u helaan biyo.