Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada
GudahaWararka

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

By Cumar
Last updated: December 16, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga koowaad ee Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada (Diphtheria), kaas oo laga hirgelin doono guud ahaan Gobolka Banaadir.

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay iskuulka Muqdisho ee degmada Shibis ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, bah-wadaagta caafimaadka, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, waxaana madasha lagu muujiyay muhiimadda uu tallaalku u leeyahay badbaadinta nolosha carruurta iyo xakameynta cudurrada faafa.

Ololaha tallaalka oo socon doona 16–20 December 2025, ayaa u jeedadku yahay in adeeg bixinta la gaarsiiyo carruurta ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, si looga hortago faafitaanka cudurka gowracatada oo khatar ku ah caafimaadka bulshada, iyadoo wasaaradda caafimaadkana dhawaan ay shaacisay in sanadkan kaliya la diiwaan galiyay Kun kiis ayna u geeriyoodeyn Boqol caruura.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdirahman Axmed Maxamuud, ayaa tilmaamay ineey nasiib darrro tahay  in iyadoo lagu jiro 2025 in gobolka Banaadir laga diiwaan galiyo kiisas badan oo cudurka gowracatada ah, caruurna ay u dhintaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa tilmaamay in talaalka la gaarsiinayo Iskuulada, dugisyada Quraanka iyo xaruumaha caafimaadka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay ineey caruurtooda talaallaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa xusay ineey xoogga saari doonaan dabargoynta cudurka Gowracatada oo xilligan inta badan dunida laga ciribtiray.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaan Axmed Casoowe oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (SONNA)-Allaha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka…

Wararka
March 2, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka oo kulan fogaan araga kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E Fardowsa Osman Egal oo uu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Bashir Moallim…

GudahaWararka
June 13, 2024

Shirweynaha 6-aad ee Xeer ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in amniga iyo cadaaladdu ay yihiin laba aan kala maarmin…

GudahaWararka
February 14, 2024

Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo

21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana maanta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo…

GudahaMaqaallada
January 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023