Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ka qeyb galay barnaamij Dood Furan oo ay daadihinaysay Warbaahinta Qaranka, kaasi oo lagu qabtay Beerta Nabadda ee degmada Waabari.
Kulanka doodda oo ay si weyn uga soo qeyb galeen qaar ka mid ah shacabka caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa Guddoomiyaha lagu weydiiyay suโaalo furan oo la xiriira diyaar-garowga iyo habsami u socodka doorashooyinka dhowaan dalka ka qabsoomaya.
Mudane Cabdikariim ayaa si faahfaahsan uga jawaabay suโaalihii la waydiyey isagoo sharaxay doorka Guddiga, qorshayaasha socda iyo muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka muwaadiniinta ee doorashada.
