Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa marti gelinaysa munaasabaddan qiimaha badan ee Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyadoo ay Soomaaliya sanadkan kusoo bandhigi doonto guullihii ay Wasaaraddu ka gaartay Hormarinta Xuquuqul Insaanka sanadkan sii dhammaanaya ee 2025.
Soomaaliya sanadkan waxa ay waqti, xoogg iyo maskaxba ku bixisay sidii loo hormarin lahaa Xuquuqul Insaanka ayadoo dadaalkaasi uu suurtageliyey in hormar ballaaran laga sameeyo hormarinta Xuquuqul Insaanka Dalkeenna.