Muqdisho(SONNA):-Wasiirro ka tirsan XFS oo kale ah Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa, ayaa maanta kormeer shaqo oo la xariiray dardargalinta doorashada golaha deegaanka ku tagay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.
Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada Hodon Cali Fahle oo soo bandhigay warbixin ku saabsan habsami u socodka bixinta kaararka codbixiyeyaasha horay isku diiwaan-geliyay, wacyigelinta bulshada iyo diyaar-garowga doorashada qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka.
Wasiirrada ayaa maamulka degmada Hodan ku ammaanay shaqada ay ka qabteen shaqada socota ee doorashada, iyagoo ugu baaqay shacabka degmada in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaan taariikhiga ah oo codkooda ay ku doortaan madaxda dalka.
