Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa kulan dhiirigalin ah la qaatay saraakiisha ilaaladda Madaxda Qaranka, kuwaas oo tababar aqoon-kororsi ah uga qeybgalaya dalka Jamhuuriyadda Serbia.
Danjiraha oo ka hadlay Kulliyadda Tababarada Gaarka ah ee Marshal Tito oo loo yaqaan Kula Training Centre,ayaa si weyn u bogaadiyay kaalinta Dowladda Serbia ee ku aaddan tababarrada aqoon-kororsiga ee ay u fidiyeen saraakiisha Soomaaliyeed ee ilaalinta gaarka ah ee Madaxda Qaranka.
Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed waxa uu kulankaasi dhiirigalinta ah kadib la dardaarmay saraakiisha ,isagoo faray in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursaddaan qaaliga ah, ayna si hufan oo xirfad leh u dhammaystirtaan aqoonta ay ku qaadanayaan tababarka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dowladda Serbia ayaa dadaal weyn ku bixisay sidii tababat aqoon kororsi ah loo siin lahaa ciidamada Dalka Soomaaliya ,gaar ahaan kuwa loogu talagalay ilaalinta madaxsda qaranka.