Matabaan(SONNA):-Wasiir dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle, Dr. Xasan Cadaay, ayaaย kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah dugsiyada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Wasiirku wuxuu booqday saddex dugsi oo muhiim ah: Al-Maโmuun, Al-Furqaan iyo Ugaas Nuur, isagoo warbixin ku saabsan xaaladooda iyo adeegyada waxbarasho ka dhageystay maamulka degmada iyo masโuuliyiinta waxbarashada.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa wehelinayay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Hirshabeelle iyo masโuuliyiin kale.
Sidoo kale, Wasiir Cadaay ayaa ka qayb galay munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan, Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobooy).
