Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirweynaha 1-aad ee Cadaaladda Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirweynaha 1-aad ee Cadaaladda Soomaaliya
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirweynaha 1-aad ee Cadaaladda Soomaaliya

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 23, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya oo lagu soo bandhigay qorsheyaasha qaran ee ku saleysan istiraatijiyada dib-u-habeynta garsoorka dalka, daadejinta adeegga caddaaladda, guulaha la gaaray, caqabadaha ka jira iyo ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in garsoor hufan oo madax-bannaan uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad-dhiska, amniga, horumarka iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada, isagoo xusay in Dowladda Federaalka oo ka duuleyso arrintaas ay qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo federaaleynta nidaamka garsoorka, dhismaha hay’adaha muhiimka u ah cadaaladda, taas oo muujineyso xoojinta hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Garsoorkeenna inuu hormarsan yahay waxaan tusaale muuqda u ah in muwaadiin Soomaaliyeed oo fal dambiyeed lagu eedeeyey oo dalka ka baxsaday ay dowladda FederaalkaSoomaaliya ay ku guuleysto in dalka dibaddiisa ka soo qabato, iyada oo kaashanayso booliska Caalamiga ah ee Interpol, kiis dacwadeedkiisana uu ka furan yahay dowlad goboleedkii uu fal dambiyeedka uu ka dhacay”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dhammeystirka dib-u-eegista Dastuurka uu yahay hawl qaran oo fure u ah xasiloonida siyaasadeed, qeexidda awoodaha hay’adaha, hirgelinta nidaam federal iyo dib u habeynta sharciyada baahida weyn loo qabo si ay ula jaanqaadan nidaamyada casriga ah ee dowlad dhiska, maalgashiga, waxa uuna faray xukuumadda in ay dardargeliso howlaha hortebinta u leh tayeynta adeegga Garsoorka dalka.

“Dastuurku isaga ayaa saldhig u ah dhammaan xeerarka dalkeenna, oo ilaalinaya afka, dhaqanka, diinta iyo xuquuq kasta oo muwaadinku leeyahay, sidaas awgeed waa inaan fulinna ballantii aan qaadnay oo uu ka baxaa kumeel-gaarnimada dastruurka lana dhameystira, waxaan bogaadinayaa Baarlamaanka 11-aad oo ah kan ugu shaqada badan jamhuuriyadda 3-aad muddo xileedkan.”

“Guulaha aan gaarnay waxaa ka mid ah xaqiijinta amniga caasimadda si ay ula tartanto caalamka, maalgelinta mashaariicda waaweyn oo ay ugu horreyan dhismayaasha, taas oo shaqo abuur u ah dhallinyaro Soomaaliyeed, dhismaha garoomo ciyaaro iyo diyaaradeed, kor dhinta tiraae Ciidameenna oo labo jibaar ka badan markii aan xilka la wareegayey, tayeynta waxbaarashada dalka oo aan lix kun oo macallimiin la shaqaaleysiyey, qorshuhuna uu yahay ilaa 10kun in la gaarsiiyo, waxbrashada sare oo aan Jamacadda umaadda ballaarinay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo adkeeyey doorka garsoorka ee dimuqraadiyadda ayaa sheegay in dalka oo u diyaar garoobaya doorashada qof iyo cod ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo hay’ado sharci iyo garsoor oo awood u leh ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, xaqiijinta hufnaanta geeddi-socodka doorashada iyo hubinta in cod kasta lagu dhiibto si xor ah oo ammaan ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku hawlanaa baarista shidaalka dalka, kadib markii…

GudahaWararka
June 13, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan gaar ah la qaatay Madaxa ugu sarreeya Hay’adda USAID

Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxa ugu sarreeya Hay’adda…

GudahaWararka
December 13, 2024

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo loo magacaabay Afhayeen cusub

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee…

GudahaWararka
May 8, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Nus milyan Soomaali ah ayaa banaanka tuban oo guryahooda ka baxay”.

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya kaas…

GudahaWararka
November 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023