Muqdisho(SONNA):- Munaasabada Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa saaka si weyn loogu xusayaa Tuulada Ciyaaraha Dalka ee Stadium Muqdisho,munaasabadan ayaa waxa ka qayb gelaya madaxda sare ee dalka,bahda waxbarashadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka, waxaana Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u muujiyaan muhiimadda maalintan.
Maalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka ku leeyahay dhismaha bulshada Soomaaliyeed.