Brussels(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).
Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.
Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hayโadaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti laโaan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.
Wasiirku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xudunta xasilloonida caalamiga. Waxa uu sheegay in marinnada labada bad ay xoojiyaan ganacsiga caalamiga iyo shabakadaha dhijitaalka, weyninka bedka ay ku fadhiyaanna ay taageero u tahay nolosha malaayiin qof. Waxa uu intaa ku daray in caqabadaha ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaayada badeed ee sharci-darrada ah, nuglaanta cimilada, iyo horumarka degdega ah ee hanjabaadaha internet-ka, ay weli yihiin kuwo isku xiran oo adag.
Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in aan dal keli ahi waxba ka qaban karin caqabadahani. Waxa uu sheegay in amnigu uu isku xiran yahay, barwaaqaduna la wadaago, isaga oo ku baaqay in la sameeyo fal-celin iswaafaqsan oo ku dhisan xushmad-is-dhaafsi, masโuuliyad wadaag, iyo iskaashi wax ku ool ah.
Wuxuu ku booriyay in wadahadalka loo beddelo tallaabooyin waxtar leh iyada oo la xoojinayo amniga badda, lana horumarinayo qaab-dhismeedyo dhaqaale oo la saadaalin karo, iyada oo la kordhinayo adkeysiga dhijitaalka iyo teknoolojiyadda, iyo in la horumariyo habab iskaashi oo wax looga qabanayo hanjabaadaha soo ban-baxaya.
Wasiirka oo ka hadlay arrinka Soomaaliya, ayaa waxa uu sharaxay in xeebaha dalka ay ka mid yihiin xuduudaha badda ee ugu istiraatiijiyadda badan gobolka, isaga oo yiri “Soomaaliya waxa ay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed, xoojineysaa maamulidda biyaheeda, qoto-dheeraynaysaa iskaashiga ay la leedahay gobolka si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo xiray muhiimadda ah in la hubiyo in wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig midkoodba kan kale uu xurmeeyo madax-bannaanidiis, qarannimadiisa iyo midnimadiisa, lana qiimeeyo iskaashiga, dal kastaba yeesho cod la siman kan kale oo qaabaynaya mustaqbal wadaagga . Waxa uu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee la shaqeynta dhammaan bah-wadaagta si loo gaaro hiigsiga wadajirka ah.