Diyaarad sidday 152 muwaadiniin Soomaali ah ayaa maanta ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,kadib markii dowladda Soomaaliya ay dadaal u gashay soo celinta dadka ku xayiran Dalka Libya.
Axlaan Cabdikariin oo ka mid ahdadkii maanta lagu soo celiyay dalka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celisay dadaalka ay ku bixisay sidii ay dalkooda dib ugu soo noqon lahaayeen muwaadiniintaasi.
, Gabadhaasi ayaa xustay in ay weli jiraan dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Liibiya,waxayna codsatay in dhamman dadka Soomaaliyeed ay xil iska saaraan badbaadinta dad badan oo lagu heysto Libya iyo kuwo kale oo ku jira xabsida magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalkaasi.
Illaa hadda Dowladda Soomaaliya waxa ay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin aad u fara badan oo qaab tahriib ah ku tagay Dalka Libya,iyagoo doonaayey in ay safar xagga badda ah ku tagaan qaar kamid ah wadamada Yurub.