Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ku guda jira howl maalmeedkiisa ayaa isla xisaabtan shaqo, ku tagay qeybaha kala duwan ee Dekadda Muqdisho oo ay ka socdeen howla baaxad leh oo loogu adeegayay ummada Soomaaliyeed.
Saddex markab oo siday Badeecooyin kala duwan ayaa kusoo xirtay Dekadda Muqdisho, iyadoo howlaha dajinta badeecooyinkaasi ay ka howlgalayeen Gaadiidka kala duwan, Shaqaalaha Dekadda iyo boqolaal kamid ah Muruqmaalatada Soomaaliyeed.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) oo kormeerkan ka hadlayay ayaa sheegay in ay Ahmiyad gaar ah uleedahay la joogitaanka iyo waqti la qaadashada Muruq-maalka iyo Shaqaalaha ka howlgala Dekedda Muqdisho, isaga oo tilmaamay in ay laf dhabar u yihiin shaqooyinka maalinlaha ah ee dekedda Caasimadda, Koboca adeegyada iyo Horumarka muuqda ee maanta jira.
