Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha Suuriya Axmed Shara iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Enes Hattab .
“Waxaan soo dhaweynayaa Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee Lambar 2799 (2025), kaas oo ka saaraya Madaxweynaha Suuriya Axmed Shara iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Enes Hattab, liiska cunaqabataynta ee khuseeyay,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oncu Keceli.
Afhayeenka ayaa xusay in tallaabada ay ku dhaqaaqeen Qaramada Midoobay ay fududeyneyso isdhexgalka Suuriya ee bulshada caalamka iyo in la hubiyo xasillooni iyo horumar waara oo ka dhaca gobolka.
“Waxaan sii wadi doonnaa taageerada tallaabooyinkaan iyo kuwa la midka ah ee loogu talagalay in lagu saxo waxyaabihii horay uga dhacay Suuriya iyo in gacan la siiyo maamulka cusub,si ay uga sgaqeeyaan horumarka dadkooda iyo dalkooda”ayuu yiri afhayeenka.
Khamiistii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar qabyo ah oo Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Anas Khattab looga bixinaayo liiska cunaqabataynta.