Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka
GudahaWararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

By SB
Last updated: November 1, 2025
2 Min Read
Share

Nairobi(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halista musiibooyinka iyo ka hortagga halis wadareedka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha ku shaqada leh maareynta musiibooyinka iyo horumarinta magaalooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiirrada howlaha guud ee dowlad-goboleedyada, xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, iyo maayarada magaalooyinka caasimadaha dowlad-goboleedyada ee uu ka shaqeeyo mashruuca NAGAAD, oo ah mashruuc lagu horumarinayo magaalooyinka, iyo mashruuca SCRP oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd digniino horudhac ah oo ka hortag ah musiibooyinka dabiiciga ah, ka hor inta aanay dhicin. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adeegsankaro teknoolojiyadda casriga ah ee fududeysa helitaanka iyo gudbinta macluumaadka la xiriira halis wadareedyada.

Intii uu socday shirka, Hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay hanaanka ay u maareyso helitaanka iyo gudbinta xogta digniinaha musiibooyinka, iyadoo la xoojiyay muhiimadda iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah si loo yareeyo halista musiibooyinka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in hay’addu ay mar walba ka go’an tahay inay hubiso in bulshada Soomaaliyeed ay hesho digniino horudhac ah, si loo badbaadiyo naf iyo maal ka hor inta aan musiibooyinka dhicin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Shaqada XFS oo ka warbixiyay qodobbo la xiriiray shaqo abuurka iyo caawinta dadka nugul

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS  C/wahaab Ugaas Khaliif oo ka qeybgalay barnaamijka kulamka todobaadka ee warbaahinta qaranla ayaa…

Gudaha
January 7, 2023

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Dadka Soomaaliyeed Waxay Guranayaan Miraha Dadaalkii Dib-u-habaynta Ciidanka” SAWIRRO

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xoreynta deegaanka…

Wararka
March 16, 2020

PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga

Xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee loo yaqaanno PKK ayaa ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan in la kala diro xubnaha xisbiga oo…

Caalamka
May 12, 2025

Taliyaha qeybta koowaad ee AMISOM oo booqday saldhigyo dhowr ah oo ay joogaan ciidamada Yugaandha

Taliyaha qeybta koowaad ee howlgalka AMISOM, Richard Otto ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisii ​​caadiga aheyd ee uu ku tagay furimaha hore…

Wararka
October 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023