Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
    Ciidanka Gorgor oo gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo ku socday khawaarijta
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka
GudahaWararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

By SB
Last updated: November 1, 2025
2 Min Read
Share

Nairobi(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halista musiibooyinka iyo ka hortagga halis wadareedka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha ku shaqada leh maareynta musiibooyinka iyo horumarinta magaalooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiirrada howlaha guud ee dowlad-goboleedyada, xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, iyo maayarada magaalooyinka caasimadaha dowlad-goboleedyada ee uu ka shaqeeyo mashruuca NAGAAD, oo ah mashruuc lagu horumarinayo magaalooyinka, iyo mashruuca SCRP oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd digniino horudhac ah oo ka hortag ah musiibooyinka dabiiciga ah, ka hor inta aanay dhicin. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adeegsankaro teknoolojiyadda casriga ah ee fududeysa helitaanka iyo gudbinta macluumaadka la xiriira halis wadareedyada.

Intii uu socday shirka, Hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay hanaanka ay u maareyso helitaanka iyo gudbinta xogta digniinaha musiibooyinka, iyadoo la xoojiyay muhiimadda iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah si loo yareeyo halista musiibooyinka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in hay’addu ay mar walba ka go’an tahay inay hubiso in bulshada Soomaaliyeed ay hesho digniino horudhac ah, si loo badbaadiyo naf iyo maal ka hor inta aan musiibooyinka dhicin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika

Cairo(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Muqdisho (SONNA); – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dekedaha Muqdisho iyo Berbera…

GudahaWararka
September 28, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madax kale oo ka qeb galay kulan qado ah oo loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO”

Garoowe (SONNA)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Garoowe ee xarunta…

Wararka
January 1, 2021

Wasiirka Warfaafinta XFS oo wakiilada Beesha caalamka ku casuumay kulan ku saabsan mideynta fariimaha Dowladda

Muqdisho.(SONNA):- Kulanka oo ay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku casuumtay wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga…

GudahaWararka
January 18, 2023

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Muqdisho(SONNA(:- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim…

GudahaWararka
December 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023