Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed
    October 30, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
    October 30, 2025
    Guddiga howlaha xasilinta oo maanta shirkii bilaha ahaa ku yeeshay xarunta Haya’adda SODMA
    October 30, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda
    October 30, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka
    October 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Guddiga howlaha xasilinta oo maanta shirkii bilaha ahaa ku yeeshay xarunta Haya’adda SODMA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddiga howlaha xasilinta oo maanta shirkii bilaha ahaa ku yeeshay xarunta Haya’adda SODMA
GudahaWararka

Guddiga howlaha xasilinta oo maanta shirkii bilaha ahaa ku yeeshay xarunta Haya’adda SODMA

By Axmed
Last updated: October 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddiga howlaha Xasilinta Qaran ayaa maanta yeeshay shirkii bilaha ahaa, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee magaalada Muqdisho. Shirka waxaa kasoo qayb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah guddiga, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, iyo hay’adaha qeybta ka ah guddiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta barnaamijyada xasilinta, dib-u-dhiska adeegyada bulshada, iyo isku xirka hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeya arrimaha amniga, horumarinta iyo gurmadka bani’aadamnimo.

Intii uu shirka socday, cutubyada CIMIC ee ciidamada qalabka sida ayaa soo bandhigay warbixin muuqaal iyo qoraal ah oo ku saabsan howlaha ay ka fuliyeen degmada Awdheegle, oo ay ku jirto dhisidda adeegyo bulshada iyo xoojinta amniga deegaankaas.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa soo bandhigtay waxqabadyo ay ku taageeraysay hawlaha xasilinta iyo nabad-dhisidda, iyadoo soo jeedisay muuqaallo muujinaya guulaha la gaaray ee dhanka amniga iyo iskaashiga bulshada.

Dhanka kale Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa soo bandhigtay in hay’addu ay muddadii la soo dhaafay gaarsiisay gobollo kala duwan gargaar isugu jira raashin iyo daawooyin oo miisaankoodu dhan yahay in ka badan 93,000 tan, taas oo qayb ka ah howlaha gurmadka iyo taageerada dadka ay musiibooyinka saameeyeen taas oo kaqeyb ah barnaamijka xasilinta dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shirka ku baaqday in la qabto shir qaran oo ballaaran, kaas oo ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan wasiirrada xukuumadda, iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku hoggaamin doono, si diiradda loo saaro taageerada maaliyadeed iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha.

Ugu dambeyntii, shirka waxaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Hay’adda SoDMA cabdirashiid maxamuud xasan , kaas oo ku ammaanay dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha dowliga ah wada-shaqeyntooda iyo doorkooda muhiimka ah ee xasilinta iyo gurmadka bani’aadamnimo, isagoo ku adkeeyay in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, horumar iyo xasillooni waarta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay…

October 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madax iyo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula tukaday Masjidka isbaheysiga Islaamka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka salaada Ciida kula…

GudahaWararka
June 28, 2023

Guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiga dhaxe ee golaha shacabka oo kulan la yeeshay  taliyaha Ciidanka Asluubta

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo…

GudahaWararka
February 18, 2024

Soomaaliya iyo Qadar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Salem…

GudahaWararka
January 25, 2023

Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo caawa ka socda Muqdisho.

Muqdisho (SONNA)-Shirka Madaxda Golaha wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayo Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa…

GudahaWararka
January 7, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023