Wasiirka Wasaaradda Dekedaha XFS & Gaadiidka Badda Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur ayaa shegay in uu guddoomay deeq qalab ay bixiyeen Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub ee awood dhiska Soomaaliya ,kaas oo loogu talagalay Isku-xirka & Samatabbixinta Badaha,jaas oo ay bixiyeen.
“Soomaaliya iyo Midowga Yurub waxay wadaagaan iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan ,isla markaana ku qotoma saaxiibtinimo iyo ixtiraam” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekedaha XFS,isagoo dhinaca kale deeqdaan ku tilmaamay mid wax ka tareysa badbaadada badda Soomaaliya.
Wasiirka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya H.E. Francesca Di Mauro iyo mas’uuliyiin kale waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ,gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska dalka,hagaajinta kaabayaasha,xagga amniga iyo horumarinta adeegyada badaha .