Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka dib u furaysa qaar ka mid ah waddooyinka magaaladda Muqdisho oo sanadihii u dambeeyey u xirnaa sababo amni,furista waddooyinka ayaa timid ka dib markii dowladda ku guulaysatay sugista amniga Caasimadda.
Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madax kala duwan ayaa goordhow furi doona 50 wado oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caasimadda.
Shacabka caasimadda ayaa si weyn u soo dhoweeyey furista waddooyinka iyo sida balaaran ee dowladda ugu guulaysatay sugista amniga caasimadda.
In waddooyinka xirnaa la furo ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaareen haya’addaha u xilsaaran sugidda amniga caasimadda.