Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhaleeceeyay shaqaaqo abaabulan oo shalay galab ka dhacday saldhigga booliska degmada Warta Nabadda.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan ku saabsan amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ficilkaas ay soo abaabuleen xubno ka tirsan mucaaradka lagana aqbali doonin fal kasta oo lagu qalqal gelinayo nabadda iyo xasilloonida caasimadda.
Wuxuu tilmaamay in ficilladii ay mucaaradku sameeyeen iyo hadalladii ay dhowaan jeediyeen ee u muuqday kuwo qiil u samaynaya argagixisada, labaduba ay yihiin ficillo u adeegaya danaha cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiye Muungaab, oo ka hadlay arrimaha dhul-bixinta ayaa sheegay in sharciyan ay dowladda hoose mas’uul ka tahay, islamarkaana ay awood u leedahay in ay go’aan ka gaarto cidda dhulka la siinayo, iyadoo lagu salaynayo danta dowladnimada iyo bilicda caasimadda.
Duqa muqdisho ayaa sheegay in markii horeba ay dowalddu hoose bixisay dhulalkaasi, kuwaas oo noqday goobo burburay oo uu dayac ka muuqdo, qaarkoodna cooshado ka dhisan yihiin, taas oo khatar ku ah bulshada iyo amniga magaalada, sidaas darteedna ay dowladda hoose xaq u leedahay in ay dhulkaasi siiso qandaraaslayaal dhisaya si loo hagaajiyo muuqaalka iyo amniga Muqdisho.