Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: September 5, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomey Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Netherland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, oo uu wehliyey Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane ฤuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Xukuumadda .

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibril.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.

8- Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ,ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo safar shaqo ku yimid dalka.

9- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa gaaray dalka Aljeeriya si uu ugu qeybgallo Carwada Ganacsiga Afrika (Intra-African Trade Fair), taas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.

10- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qayb galay Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

11- Maareeyaha Hayโ€™adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa ka qeyb-galay Madasha Caalamiga ah ee Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25), oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), oo ka furmay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga.

12- Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Syria Danjire Abiib Muusa Faarax ayaa warqadahiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, dalka Suuriya, Mudane Asad Xasan Al-Shiibaani.

13- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallim Fiqi ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.

14- Mu’asasada Macallin Nuur ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad weyn oo lagu xusayay dhalashada Nabigeena Muxammad nabadgalyo korkiisa ahaatee.

15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Belgrade kula saxiixday dhiggiisa Serbia heshiis iskaashi caafimaad oo labada dal u dhexeeya .

16- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa ka hadlay muhiimadda cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday dalka iyo dagaalka daba dheeraaday ee dalka looga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

17- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Belgrade kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Marko Djuric,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha iyo waxbarashada.

19- Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in goob fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah,oo ay laamaha ammaanka ku qabteen dekedda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

20- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.

21- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo gal-dacwadeedyo la xiriira cayda aflagaadada, sumcad-dilka, Isku-dirka bulshada, faafinta sawirada xun xun ,faafinta beenta lyo kicin bulshada dhexdeeda ah, waxaana xafiisku digniin u diray dadweynaha in laga waantoobo dambiyadaasi.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Djibouti Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa kala saxiixday is afgarad ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, kuna dhisan hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada AFRICOM ayaa hawlgal cirka ah ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo khasaare loogu geystay Khawaarijta Al Shabab.

24- Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa qaabilay Col. Ahmed Fathi Cabdulsatar Al -Xuseyni, oo ah Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar.

25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi โ€œMaaxi Yoonisโ€ iyo Ibraahim Aadan Maadeey, oo ka tirsanaa Khawaarijta, islamarkaana horey loogu xukumay dil.

26- Shacabka magaalada Laas Caanood ayaa si diiran u soo dhaweeyay qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ah ee lagu wado in laga qabto deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

27- Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay caqabad ku hayaan ganacsatada dalka dibeddiisa ka soo dhoofiya dalagyada daruuriga u ah bulshada, kuwaas oo ka taya hooseeya kuwa dalka kasoo baxa.

28- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay inuu muhiim u yahay mashruuca taageeridda dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, gaar ahaan qoysaska danyarta ah iyo dadka ku nool degaannada halista ugu jira gaajada iyo macaluusha.

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo sheegay in dowladda ay ka goโ€™antay qabsoomidda doorashada โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo isna ka hadlay shirka ayaa ka mahadceliyay shacabka iyo…

Wararka
December 30, 2020

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga dowladda FS oo Kismaayo gaaray

โนMuqdisho (SONNA): Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaraddaย  ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji Cabdi, oo…

GanacsigaGudahaWararka
July 23, 2024

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa magaalada Jubba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 qof oo kasoo bara baxay dalka Sudan

Muqdisho(SONNA):-safiirks Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya u fadhiya dalka koonfurta Sudan Danjire Cabdikariim Xaaji Cumar Cameey oo uu wehliyo Xoghayaha joogtada ee…

GudahaWararka
May 1, 2023

Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka oo Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta xogta qofkaย 

Muqdisho(SONNA);-Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay…

GudahaWararka
October 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023