Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
GudahaMaqaallada

Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta

By Kulane
Last updated: August 30, 2025
3 Min Read
Share

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa gudaha dalka ,gar ahaan gobolada Hiiraan,Sh.Dhexe, Sh/Hoose, Gaakgaduud iyo kuwo kale ka socday abaabullo iyo diyaargarow dagaal oo la doonayo in lagu xoreeyo deegaanno kamid ah goboladaasi oo kooxaha khawaarijta ay ka wadaan falal lagu  dhibaateynayo dadka shacabka

Abaabuladaan dagaal ayaa daba socda qorsho howleed ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doonayo in laga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka rayidka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo kuwa xoolo dhaqatada.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan , Gaalgaduud iyo labadaShabeelle ay u diyaargaroobeen dagaal ka dhan ah nabad-diidka,waxaana ka g’an saraakiishaasi sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaana loo badbaadin lahaa bulshada halkaasi,

Waxaa muuqda in diyaargarowga iyo howlgalada ciidanka ee xilligaan lagu saleeyay qorshaha dhamaadka Al-Shabaab,maadaama la helay muwaadiniin badan oo diyaar u ah in ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo kooxaha khawaarijta.

Maalmihii u dameeyay waxaa magalada caasimadda ah ka socday dhaq-dhaqaaq ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo ku aadanaa sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen abaabulka loogu jiro in mar kale loo howlgalo dagaal lagu sifeynayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanno kooban.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),ayaa dhowaan kulan dhiirigaslin ah la qaatay ciidanka ku jira xerada Qorillowo iyo kuwa deegaanka Xaluulle oo ay joogaan boqolaal macisleey ah oo ka soo jeeda Warshiikh.

Guddoomiyaha oo la hadlay ciidankaasi iyo kuwa macawisleeyda ah ayaa u sheegay in maamulkiisa uu garab buuxa siinayo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qaybgalaya hawlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka naf-la-caariga ah ee argagixisada Al-Shabaab.

Muungaab oo sidoo kale booqday deegaanada Xaaji Cali,Raage Ceelle iyo kuwo kale ayaa kormeerkiisa loo arkaa tallaabo dhiirrigelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa hawlgallada ka socda dalka , iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka oo waqtigaan u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta.

Si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dowladda ay joogteyso howlgallada,isla markaana la bilabo wejiga cusub ee dagaalka looga horjeedo khawaarijta .

Waxaa hubaal ah in haddii howlgallada dowladda ay u dhacaan sidii la rabay ay suurtagal tahay in gabi ahaan la soo afjaro dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee maleeshiyaadka nabad diidka ah.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir “Waxaa hoggaanka dalka ka go’an sidii talada dib loogu celin lahaa bulshada”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlay xaflad ka dhacday Degmada Hodan ayaa sheegay in dowladda…

Gudaha
June 20, 2025

Gollaha Wasiirada XFS oo magacaabay Agaasimeyaasha Laba Hay’adood

MUQDISHO (SONNA)-  Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay' adda Socdaalka &…

GudahaWararka
October 31, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo…

GudahaWararka
September 20, 2025

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo daahfurtay Ololaha Wacyigelinta Xujeyda Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta Daahfuray Ololaha Wacyigelinta Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan…

GudahaWararka
February 14, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023