Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hayโadaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka.
โWaxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo masโuuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharcigaโ.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uuna u rajeeyey in Alle ku guuleeyo shaqada harsan ee doorashada iyo dowladnimada.