Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar
GudahaWararka

Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

By Axmed
Last updated: August 23, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Mudane Isaaq Maxamed Mursal, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Hamsa Aadan Xaadow, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Shariif Maxamed Cumar, oo maanta oo Jimce ah, 22 August, 2025 ku geeriyooday Magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay.

Marxuum Amb. Sharif Mohamed Omar oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay billowgii dowladnimada loo diray waxbarasho sare oo dibadda ah ayaa haystay labo shahaado “Laurea” oo uu ka qaatay Jaamacadda Rome intii u dhexeysay 1962-1969, xilligan u dhiganta heerka labaad ee Jaamacadda “Master degree”. Shahaadada koowaad ayaa ah Culuunta Tirakoobka Dadweynaha (Statistical & Demographic Sciences), halka shahaadada labaad ay tahay Culuunta Siyaasadda (Political Science).

Marxuum Shariif Maxamed Cumar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ku biirray sanadkii 1976, isaga oo ka mid noqday saraakiisha sare ee Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda.

Ka hor inta aanu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku biirin, waxa uu ka soo shaqeeyay labo wasaaradood oo kala ah:

▸Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1969-1970 isaga oo ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda, isaga oo sanad kadib loo dallacsiiyay madax qeybeed.
▸Wasaaradda Ganacsiga oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1970-1976, isaga oo labo mar oo is xiga ka noqday agaasime waaxeed waaxyaha kala ah:
➝1973-1976 Agaasimaha Waaxda Isdhaafsiga ganacsiga, Soo dejinta iyo dhoofinta.
➝ 1970-1973 Agaasimaha Waaxda Tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda.
➝1972-1973 Kusimaha Maarreeyaha guud ee Shirkadda Ceymiska Qaranka.

■ Intii u dhexeysay 1976-1977 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

■ Intii u dhexeysay 1977-1982 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Germany.

■ Intii u dhexeysay 1982-1986 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium.

■ Intii u dhexeysay 1986-1989 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

■ Intii u dhexeysay 1989-2008 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Marxuum Shariif Maxamed Cumar oo ku dhashay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, 14 November, 1940 , ayaa ifka uga tagay xaas iyo caruur, isaga oo u adeegay dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo 38 sano si daacadnimo oo nafhurnimo leh.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Qorshaynta XFS oo soo bandhigtay Nidaamka Isku-dhafan ee Kormeerka iyo Qiimaynta Qaranka

Muqdisho,(SONNA):-Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir lagu soo…

GudahaWararka
December 21, 2023

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee COMESA

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad…

GudahaWararka
June 8, 2023

Gobolka Banaadir oo si kulul u cambaareeyay qaraxii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii…

Wararka
September 10, 2020

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

  Muqdisho:-SONNA Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay…

GudahaWararka
June 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023