Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: August 22, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Jimco, 22-ka August, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad Gobleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iyo bixinta adeegyada bulshada.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaas oo ay fulisay Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu qaadday tallaabo kasta oo lagu xoojinayo wadatashiga arrimaha masiiriga ah, walina sii xoojin doonto si loo gaaro hiigsiga shacabka ee dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cumar Cali Afrax inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulanka isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay Qorshaha Xukuumadda DanQaran muddadii ay shaqeynaysay, kuwaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ay iskula xisaabtameyso wixii ka hirgalay qorsheyaashii shacabka Soomaaliyeed lala wadaagay, caqabadaha yimid iyo qorsheyaasha mustaqbalka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyey la-xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda iyo heyโ€™adaha hoos yimaada, oo muddo saddex maalin ah ka socday Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha.

8- Golaha Wasiirradaayaa ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Internetka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

9- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu dhammaaday.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallijn Fiqi Ahmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku booriyeen ciidamada iyo shacabka inay sii wadaan dadaalkooda dalka looga xoreynaaya Khawaarijta.
11- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in la soo xiray diiwaangelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.

12- Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kadib hawgal ay ka fuliyeen degmada Aw Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa ka qeyb-galay khudbadna ka jeediyey kulanka Golaha cusub ee Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

14- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Cali Xaaji Adam ayaa kulan la qaatey Wakiilka Hayโ€™adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, waxaana kulankan diiradda lagu saaray sida loola tacaalayo gaajada iyo macaluusha.

15- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaanka Saxiixa Danabeysan ee Maamulka Lacag Bixinta Hayโ€™adaha Dowladda, kadib, munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka , Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

18- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyaa oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa 20 weriye tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka ugu qabtey magaalada Jowhar.

19- Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa siโ€™ rasmi ah uga dagtey diyaaraddii ugu horreysay ee xamuul qaadda, kaddib ,markii la soo gabagabeeyey dhismaha garoon diyaaradeed oo muddooyinkii dambe halkaas ka socday.

20- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska ,oo uu hoggaaminayay G/Sare Richard Grover.
21- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Azerbajan oo dalka booqasho ku joogay.

22- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maxamed Saneey Dalmar ayaa daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee tababaridda khubarada fidinta adeegyada xanaanada xoolaha.

23- Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

24- Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqan gelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hayโ€™adda iyo INTERPOL.

25- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa siโ€™ rasmi ah Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

26- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka hawlgala degaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda.

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo ka qaybgashay s๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š s๐š๐ง๐š๐ ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐จ๐จ xalay ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ ๐€๐ฅ๐ ๐ž๐ซ๐ข๐š

๐€๐ฅ๐ ๐ข๐ž๐ซ๐ฌ-๐€๐ฅ๐ ๐ž๐ซ๐ข๐š-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalka Algeria ayaa ka…

GudahaWararka
May 21, 2025

NISA oo dekadda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidanka oo Khawaarijta loo waday iyo shabakaddii ka shaqeyneysa

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan…

GudahaWararka
May 18, 2023

Wasiirka gaashaandhigga oo kormeer ku tagay deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka jubada hoose

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage ayaa…

GudahaSawirroWararka
March 2, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan daah-furan la qaatay shaqaalaha wasaaradda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta oo…

GudahaWararka
August 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023