Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
    August 21, 2025
    Madaxweynaha JFS oo kormeeray Taliska 21 ee Ciidanka xoogga
    August 21, 2025
    Wasiirka Maaliyadda XFS oo tababar u soo xiray Hay’adaha Dowladda
    August 21, 2025
    Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 
    August 21, 2025
    Shirweynaha Dhallinyarada ee Isbeddelka Cimilada oo ka Furmay Muqdisho
    August 21, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
GudahaWararka

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada

By Axmed
Last updated: August 21, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONN:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada, kaas oo diiradda saaraya ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadaha cimilada, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta xalalka waara ee dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka, Dhallinyarada iyo xubno ka socda hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ujeedada shirku waxay ahayd in la mideeyo aragtida dhallinyarada laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka siyaasadaha qaranka ee cimilada, iyo in la xoojiyo xalalka waara ee lagu horumarinayo dhaqaalaha cagaaran iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa khudbaddiisa ku sheegay: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in la qabto shirweynahan, waxaana rajaynaynaa in shirarka dambe aan si wadajir ah u qaban doono annaga iyo Wasaaradda Deegaanka, si dhallinyaradu uga faa’iidaystaan fursado badan oo wax ku ool ah.”

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa dhanka kale yiri: “Maadaama dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka, waxaan qorsheynaynaa inaan qabanno shir ka ballaaran kan maanta, maadaama shirkan uu ahaa mid kooban oo kaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaan rabnaa in dhallinyaradu ay kaalin muuqata ka qaataan go’aan-qaadashada, hirgelinta siyaasadaha cimilada iyo xalalka waara ee horumarinta dalka.”

Waxa uu shirku sidoo kale fursad u noqday in dhallinyaradu ay fikradahooda iyo aragtidooda ku biiriyaan qorsheyaasha qaranka ee cimilada, loona diyaariyo Soomaaliya mustaqbal waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada

Muqdisho(SONN:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac…

August 21, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Rwanda oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Kigali (SONNA): Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Danjiraha JFS u…

GudahaWararka
May 21, 2025

Sii hayaha Ra’isulwasaaraha Dalka oo Magacaabay Guddiga Baarista Shaqaaqadii ka dhacday Xabsiga dhexe.

Muqdisho(SONNA)-Sii hayaha xilka  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jahmuuriyadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddiga Baarista Dhacdada Shaqaaqadii 10/08/2020…

Wararka
August 11, 2020

DFS oo ku wargalisay hay’adaha ka shaqeeya gargaarka iyo mashaariicda kale inay u soo guuraan dalka

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay hay'adaha ka shaqeeya gargaarka iyo mashaariicda kale inay si buuxda ugu soo guuraan dalka oo…

GudahaWararka
January 31, 2023

Israel oo xannibtay gargaarka kadib roob wata daadad oo ka da’ay Gaza

Qaramada Midoobay ayaa ku eedaysay Israa'iil inay sii waddo hor-istaaga gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Gaza,xilli roobab mahiigaan ah oo…

Caalamka
December 31, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023