Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
    August 21, 2025
    Madaxweynaha JFS oo kormeeray Taliska 21 ee Ciidanka xoogga
    August 21, 2025
    Wasiirka Maaliyadda XFS oo tababar u soo xiray Hay’adaha Dowladda
    August 21, 2025
    Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 
    August 21, 2025
    Shirweynaha Dhallinyarada ee Isbeddelka Cimilada oo ka Furmay Muqdisho
    August 21, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 
GudahaWararka

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika 

By Axmed
Last updated: August 21, 2025
2 Min Read
Share

Yokohama((SONNA):-Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika ee 9-aad (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.

Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Jabaan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullahi Cali.

Intii lagu guda jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay isagoo si gaar ah u iftiimiyay:
• Guulaha Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ku jirto dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka dalka ee barnaamijka cafinta deynta.
• Kalsoonida maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay muujiyeen kalsooni ku saabsan jihada dhaqaalaha iyo amniga ganacsiga.
• Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision 2060), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado maalgashi oo waara.

Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya ka jira, sida:
• Kalluumeysiga badda hodanka ah.
• Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef.
• Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.

“Soomaaliya waa dal fursado badan leh, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada

Muqdisho(SONN:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac…

August 21, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

R/wasaare Khayre oo saaxiibada caalamka kala hadaly dardar gelinta gurmadka Qardho

Muqdisho,(SONNA)… ---Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galeen…

Wararka
May 12, 2020

In ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal Khawaarij ah oo lagu dilay Shabeelaha hoose

Muqdisho (SONNA): Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay gobalka Shabeelaha hoose…

GudahaWararka
June 21, 2023

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Wariye Abuuja

Muqdisho.(SONNA)...Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa amar ku bixiyay in la sii…

Wararka
August 5, 2020

Shir ku Saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda

Muqdisho.(SONNA):- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha…

GudahaWararka
October 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023