Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo lagu ansixiyey hindise sharciyeed la xiriiray dhanka macdanta iyo qodob kale oo khuseeyay Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaa kaloo looga hadlay xoojinta amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
Golaha wasiirada waxaa intii uu socday shirkoodii caadiga ahaa ay bogaadiyeen guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Khawaarijta ee looga sifeynayo dalka,iyadoo dhanka kalena qodobada maanta la ansixiyay ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta dhaqaalaha dadka iyo dalka.