Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka, ayaa kulan muhiim ah la qaataywafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka garsoorka, isdhaafsiga talooyin ku saabsan sida looga faaโiideysan karo xubinnimada ururka daboolidda baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah .
Xubnaha ka socday Ururka EAMJA ayaa soo bandhigay taariikhda Ururka, mashaariicda ay ka hirgeliyeen dalalka xubnaha ka ah, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo mideynta heerarka shaqada garsoorka.
Ujeedka booqashada Wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hayโadaha garsoorka ee gobolka iyo sidii Soomaaliya ay xubin uga noqon laheyd ururkan.