Muqdisho(SONNA):-Cabdirisaaq Maxamed Cali oo u tartamaya duqa magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota
Iyadoo uu socdo ololaha ku aadan dhismaha hoggaanka maamul ee magaalada Hopkins oo ka tirsan gobolka mennisota ee dalka Mareykanka ayaa waxa duqa Magaalada Hopkins u tartamaya muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Cali.
Aqoonyahan Cabdirisaaq Maxamed Cali oo u waramayay Wakaaladda Wararka Soomaalieed ee (SONNA) ayaa sheegay in hadii uu ku guulaysto kursigan ay ka dhigan tahay guul taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed u soo hoyatay.
Aqoonyahan Cabdirisaaq oo la tartamaya musharixiin dhowr ah oo ka soo jeeda bulshooyin kale ayaa intaasi ku daray intaasi ku daray in magaalada Hopkins ay u baahantahay hoggaan la socda danta guud iyo horumar bulsho.
- “Waxaan rabaa in la dhiso dowlad hoose oo dadkeeda ka warqabta oo dhageysata, waxaan ka damqadaa nadaafadda xaafadaha, badbaadada qoysaska iyo sidii bulshadu ay u heli lahayd fursadaha si cadaalad ah oo loo siman yahay, Ganacsatada, kiraystaha, milkiilaha guriga, ardayga, iyo odayga dhamaan ay u siman yihiin”. Ayuu yiri Aqoonyahan Cabdirisaaq Maxamed Cali.
Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday bulshada ku nool magaalada Hopkins in ay codkooda ku taageeraan si adeegyo hufan oo loo wada siman yahay ay u helaan.