Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay Wehlinayaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekadda Muqdisho, Agaasimaha Furdooyinka ayaa maanta xarunta Dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Mr. Charles King iyo koox kale oo ka socotay Xafiiska Horumarinta Dowladda UK.
Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgalidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha oo Dowladda UK ay gan ka geysatay dhisidda habka wadashaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaano (๐๐ข๐ฌ๐ญ๐๐ฆ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐ ๐ฎ๐ซ๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐, ๐๐๐๐๐๐) oo ah hannaan online ah oo ay ku wada shaqeynayaan maamulka qeybta Maaliyadda ee dekadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Safiirka u jooga Soomaaliya Dowladda UK Mr. Charles King oo kormeerka kadib hadalkooban jeediyay ayaa tilmaamay in Dowladda UK ay sii wadidoonto wadashaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya iyo ka qeyb qaadasha qorshayaasha horumarineed hannaanka sare u qaadidda dakhliga gudaha.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageeradeeda joogta ah ee ay siiso Dowladda Soomaaliya, waxa uu intaa ku daray hannaanka casriyaynta ilaha dakhliga in uu mudnaan gaar ah u lee yahay Wasaaradda Maaliyadda, si sare loogu qaado dakhli uruurinta dalka.