Beledxaawo(SONNA):-Xildhibaan Baale Ibraahim Cabdi oo ka tirsan BFS, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax iyo saraakiil kale ayaa maanta magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo kula kulmay qaar ka mid ah odayasha dhaqanka degmadaasi.
Kulankaan ayaa lagu lafa-guray adkaynta nabad galyada degmada iyo sidii loo taageeri lahaa Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka ee halkaas ku sugan.