Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Ururka Caalamiga ah ee EMHPNET oo heshiis kala saxiixday
    October 9, 2025
    Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo ku saabsan waxbarashada iyo cilmi-baarista
    October 9, 2025
    Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Muqdisho
    October 9, 2025
    Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
    October 8, 2025
    Lataliyaha amniga Qaranka oo soo xiray wadatashi ku aadan guddiyada Amniga Dowlad Goboleedyada
    October 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
Maqaallada

Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka

By Axmed
Last updated: July 24, 2025
7 Min Read
Share

Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Diignaha hore, iyo Xalka.

Horudhac.

Isbeddelka cimilada waa caqabad dhab ah oo si toos ah u taabanaysa Soomaaliya. Waa dal wali kasoo kabanaya burburkii siyaasadeed iyo dhaqaale isla markaana wajahaya dhibaatooyin kasii daran oo ka dhashay isbedelka cimilada. Waxaa kamid ah abaaro soo noqnoqda, fatahaado, dhir la’aan, iyo barakac baahsan oo saameyn ku yeeshay malaayiin qof.

Isbeddelka cimilada (Climate change) waa isbedbedel joogto ah oo ku yimaada heerkulka, roobka, dabeylaha iyo xaaladaha kale ee cimilada dunida. Isbeddelkan waxaa sababa waxyaabo ay ka mid yihiin isticmaalka badan ee shidaalka, jarista dhirta, iyo hawada wasakheysan oo kordhinaysa gaasaska dhirta lagu koriyo (greenhouse gases).

Qormadaan waxay iftiiminayaa sida isbeddelka cimilada u saameeyay Soomaaliya, sida ay inoo sheegayn khubaro kala duwan ee ku fooggan Arrimaha Cimiladda, dadaallada ay wadaan hay’adaha iyo xalka loo baahan yahay si bulshada Soomaaliyeed ay ula qabsato xaaladaha Cimilada (Climate action).

Soomaaliya waxaa ku sii kordhaya abaaraha daba dheeraaday iyo roobab aan la saadaalin karin. Waxaana la xaqiijiyay in dad badan ay ku khasbanaadeen inay barakacaan kadib markii ay lumiyeen xoolohoodii, beerahoodii, iyo wax walba oo ay nolol ku taagnayeen.

“Roobku markuu ka baaqdo, noloshii way istaagtaa,” ayuu yiri Maxamed Faarax, oo beeraley ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.

Haddaba maxaa sababa fatahaadaha Soo noqnoqda?

Fatahaadaha joogtada ah ee webiyada Jubba iyo Shabelle waxay sidoo kale galaaftay naf iyo maal badan, iyadoo sameeyay deegaanno hoostaga magaalooyinka Baladweynee, Jowhar iyo Baardheere

Digniin Hore ee Qaran”waa in si siman loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed si ay uga hortagaan khataraha degdegga ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah sida: Abaaraha, Roobabka babeylaha wata, Fatahaada iyo Dhul-gariirka”

Agaasimaha Khadar Maxamed oo ah Agaasiamah Maareynta Masiibooyinka (DRM) Ee Hay”adda SoDMA ayaa sheegay in digniinaha hore ee qaran aysan dadka wali sida ugu wanaaagsan aysan u fahamin.

“Bulshada Soomaaliyeed inta badan waa isku daynaa inaa gaarsiinno, anaga oo marsiinayo qeynaha kala duwan ee muhiimka ah, waxaana gaarsiinaa Xoola dhaqatada, Beerlayda iyo dadka ku nool wabiga jiinkiisa, balse dadka inta badan kuwa ka dhaga adeego ayaa jiro, waxaana ka dhasha qasaaro isugu jiro naf iyo hanti-ba” Ayuu yari Khadar Maxamed.

Khadar waxaa kale oo uu sheegay in dalka oo dhan aysan gaarsiin karin digniinaha tasoo ku sababay qodobo dhowr ah oo ay kamid yahiin dhaqaalaha oo xadidan iyo Awooada shaqaalaha iyo Xarumaha oo la gaarsiiyo waa sababta wali Sannadkii hore tiro badan oo qasaaraha ah ay ka dhasheen saameynta isbadalka Cimillada ee ugu wayn tahay Abaaraha Iyo Fatahaada.

Saameyn nuucee ah ayee u saameysay Beerlayda.

Mudane Mohamud Mohamed Isse, Agaasimaha Waaxda Waraabka, Isticmaalka Dhulka Iyo Saadaasha ayaa dhankiisa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay sida ay u saamaysay Isbdalka Cimillada Sannadkii hore.

“Sanadkii 2024, beeraleyda Soomaaliyeed waxay wajaheen caqabado isbiirsaday oo ka dhashay labadii xilli roobaad. Xilligii Gu’ga, roobab xoog leh ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan hareeraha webiyada Shabeelle iyo Juba, halkaasoo fatahaado kadhashay ay sababeen barakaca kumannaan qoys. Si kastaba ha ahaatee, gobolla dhexe iyo gobolada waqooyi, waxay heleen roobab hooseeya, taasoo keentay hoos udhac dalagyadii la beeray. Xili roobaadka Deyrtii 2024 siokale waxay noqotay mid aad u liidata meelaha qaar, iyadoo roobab goos-goos ah iyo abaaro ay si ba’an u saameeyeen beeraleyda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Labadaas xaaladood waxay sababeen hoos u dhac weyn oo ku yimid wax-soo-saarka, korodh cunto-yari, iyo baahi loo qabo taageero farsamo iyo mid qorsheysan si loo xoojiyo adkeysiga beeraleyda.”

Dr Abdimajid Nuunow Madaxa barnaamiyada La-qabisiga ee Xarunta Cimilada Iyo Ilaalinta Deegaanka ee Urur Gobaleeedka IGAD, ayaa tilmaamay dadaallada heer gobol iyo heer qaran oo ay wadaan IGAD iyo dowladda Soomaaliya uu sheegay in ay ka taageereen Arrimo ay ka mid yahiin Dajinta Siyaasadaha, Awooda dhismaha Shaqalaha iyo Hay”adaha dowladda. “Waxaan aragnaa in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin muhiim ah qaaday cimilada , sida diyaarinta qorshaha la-qabsiga cimilada (NAP), ilaalinta kaymaha, iyo Maalin-galinta NDC 3, ay u baahan tahay dhaqaale fara-badan Soomaalina dabooli karto, marka waxaa ka IGAD ahaan ballanqaadanynaa inaa ka taageero sidii madalada waa wayn Afrika Iyo Caalamka in codkeena garab kusiino si wax looga qabto Soomaali ahaan,” Cabdimajid Nurow Abdi

Sidoo kale waxa uu xusay in IGAD ay si wayn ugu shaqaysay in bulshooyinka Gobalka ku nool in ay ka faaa”iideystaan daaqsinka Iyo waraabka Xoolaha ay wadaagan bulshada xudadaha, taaasina waxaa inuu sahashay taageerida Siyaasadeed ee ku cad Istaraajiyadda IGAD, “IGAD ahaan waxaan xal u helnay in xoolaha Soomaaliya ka tago ay ku deeqsadaan xiliyada abaaraha dhacaa in ay ka gudbaan xaduudaha, kuwaasi ka faa”iideysto laguna arko Itoobiya, Kenya, waana iskaashiga cusub ee IGAD diyaarisay” Mudane Nunow.

Xalalka muhiimka ay in la xaqiijiyo

Waxaa jira fursado badan oo Soomaaliya ay kaga bixi karto dhibaatada cimilada, haddii la isku xiro dadaalka bulshada, dowladda, iyo hay’adaha deegaanka, Dhir-beerin Qaran – Dib u beerista dhul-beereedyo iyo kaymo la jaray, Tamarta La Cusboonaysiin Karo – Solar, wind, iyo biogas si loo yareeyo jarista dhirta, Keydinta Biyaha – Dhisidda biyo-xireenno, ceelal waara, iyo hannaanka kaydinta biyaha roobka, Wacyigelin Bulsho – Si gaar ah loogu beego dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha deegaanka. Digniino Hore oo Casri ah – Teknoolojiyad u sahleysa dadka in ay ka hortagaan masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha.

Gabagabo

Dhibaatooyinka ka dhasha Cimilada Soomaaliya ma ahan kuwa lagu xallin karo mustaqbalka dhow. Waa xaalad degdeg ah oo u baahan ficil iyo waxqabad joogto ah, kana kooban siyaasado qorshe ku dhisan, iyo wada shaqeyn u dhexeysa dowladda, bulshada, hay’adaha kala duwab iyo warbaahinta madaxabannaan.

Xal waara oo loo helo cimilada Soomalaiya waa inaan u diyaargaroobnaa maanta si aan berri ugu noolaanno nolol ammaan ah.

Dhammaad

W/Q: Abdirashid Nur Ibrahim , Communication & journalist climate.
Email:-Cabdirashiid88@gmail.com

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Ururka Caalamiga ah ee EMHPNET oo heshiis kala saxiixday

Amman-(SONNA)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo safar shaqo ku jooga…

October 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?

Muqdisho(SONNA)-Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka 25-kii bisha Maarso  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay calaamadda loo yaqaano…

MaqaalladaWararka
April 1, 2020

R/wasaare Xamsa“Waa in lagula xisaabtamaa Saraakiishii shaqada ku laheyd” (WARBIXIN)

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada…

GudahaMaqaallada
August 4, 2024

Isbadelkii ku yimid habkii go’aan qaadashada Madaxweynihii Mareykanka John F.Kennedy: Qaybti 2-aad

Qoraalkaan waxaa uu si kooban ugu kuur-galeyaa habka go’aan qaadashada madaxweyne Kennedy uu u adeegsadey go’aankii “The Cuban missile crisis”…

Maqaallada
May 26, 2020

Muhiimadda Hindise-sharciyeedka NISA u leeyahay la dagaalanka khawaariijta (FAALLO)

Muqdisho(SONNA)--Dhawaan waxay Golaha Shacabka ay meelmariyeen hindise-sharciyeedka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo loo aqoon og…

MaqaalladaWararka
February 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023