Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan ku saabsan booqashada sharci darada ah ee Israel ay ku tageen Gobolka Woqooyi Galbeed ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maamulka gobolka Banaadir iyo Guddiga Doorashooyinka oo iska kaashanaya ololaha Diiwaangelinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maamulka gobolka Banaadir iyo Guddiga Doorashooyinka oo iska kaashanaya ololaha Diiwaangelinta
GudahaWararka

Maamulka gobolka Banaadir iyo Guddiga Doorashooyinka oo iska kaashanaya ololaha Diiwaangelinta

By SB
Last updated: July 17, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabila Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan iyo Xubno uu hogaaminayay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor-u-qaadista wada-shaqeynta u dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Doorashooyinka, si loo xoojiyo taageerada ololaha diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaas oo ah marxalad muhiim ah oo ka mid ah hirgelinta geeddi-socodka doorashada Qof iyo Cod.

Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay Guddiga Doorashooyinka doorkooda muhiimka ah iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan hirgelinta hannaan doorasho oo oo sal u ah matalaadda shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay in uu xoojiyo kaalintiisa ku aaddan wacyigelinta dadweynaha, fududeynta hawlaha diiwaangelinta, iyo diyaarinta goobaha ay Guddigu uga baahdaan degmooyinka caasimadda.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa bogaadiyay ka-go’naanta xooggan ee uu Duqa Magaaladu u muujiyay bulshada Caasimadda si looga dhabeeyo fulinta barnaamijka Doorashada Qof iyo Cod oo ah ajande qaran oo muddo dheer ay shacabka Soomaaliyeed ku taamayeen.

Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo labakacleyn xooggan sameeyay wixii ka dambeeyay markii uu Guddoomiye Muungaab xafiiska yimid ayaa hadda maraya heer gebagebo ah, waxaana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay tiro codbixiyayaal ah oo malaayiin gaaraya ay u dareeraan goobaha Codbixinta ee uu Guddiga Doorashadu ka astayn doono Caasimadda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo warbixin kasoo saaray xaaladda ka dhalatay Roobabka da’ay Caasimadda

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda degdeg ah ee ka…

GudahaWararka
May 10, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka…

GudahaWararka
July 8, 2024

 Ciidamadaa Boliiska waa wehelka Shacabka (Warbixin)

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada…

MaqaalladaWararka
December 20, 2020

Wasaaradda Warfaafinta oo loo magacaabay Agaasime guud

Muqdisho-(SONNA)-Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Xuseen Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka…

GudahaWararkaWargayska
June 6, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023