Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho ka furmay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho ka furmay
GudahaWararka

Shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho ka furmay

By SB
Last updated: July 3, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay Shirka Lixaad ee Wadatashiga Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, shirka ayaa inta uu socdo muhiimadda lagu saari doonaa xoojinta wadashaqeynta iyo kor u qaadista adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Shirka ayaasidoo kale diiradda lagu saaridoonaa guulaha laga gaaray mashaariicda Caafimaadka ee dalka ka socday bilihii la soo dhaafay, caqabadaha wali jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, iyo sidoo kale baahinta adeegyada Caafimaadka aasaasiga ah si loo gaaro bulsho caafimaad qabta.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay masโ€™uuliyiin sare oo ka kala socday heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed, oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed Saciid Axmed Cali, Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Yuusuf Sancad, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidow, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed iyo xubno kale oo muhiim ah.

Qaar ka mid ah Wasiirada Caafimaadka ee dowlad goboleedyada iyo agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir oo madasha ka hadlay ayaa muujiyay rajo ballaaran oo ay ka qabaan in shirka laga soo saaro qodobo muhiim ah oo sal u noqon doona horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan dhanka caafimaadka aasaasiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan, oo furitaanka shirka si rasmi ah u sameeyay, ayaa adkeeyay baahida loo qabo in Soomaaliya isku tashato, maadaama ay isa soo tarayso hoos u dhaca deeqaha Caafimaad ee caalamiga ah, sidoo kale Wasiirka ayaa yiri: โ€œWaa xilligii aan isu tashan lahayn oo aan dhisi laheyn nidaam Caafimaad oo Soomaali leedahay, looguna adeego shacabka Soomaaliyeed.โ€

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo abaal-mariyay shaqaalaha Wasaradda Duulista Hawada iyo Hayโ€™adda Duulista โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii…

Wararka
November 23, 2020

Ra’iisul wasaare Rooble oo shir gudoomiyey shir ku saabsan Amniga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi

Muqdisho (SONNA) Ra'iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM…

Gudaha
September 26, 2021

Ciidanka Nabadsugida jubbaland oo fashiliyay qaraxyo Miino

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Hay'adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland oo kaashanaya shacabka reer Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay agabka Qaraxyada…

GudahaWararka
August 14, 2023

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan oo kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Dalkaasi

Muqdisho (SONNA)-Danjiraha dawladda Federalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Suudaan Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay…

GudahaWararka
December 22, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023