Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Axmed
Last updated: June 28, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee DFS oo ka qeybgaley munaasabadda xuska 65-guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya 26-kii June , 1960.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad guurada 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay halgameyaashii Soomaaliyeed dhiiggooda u huray Xorriyadda ayaa Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatey qeybaha kala duwan ee siyaasadda oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal hore, Raโ€™iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo uu horkacayey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheekh Axmed.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo ku aaddan munaasabadda xuska sanadguuradii 65-aad ee kasoo wareegtay xornimada Gobollada Waqooyi ayaa sheegay in la jooga xilligii midnimada iyo wadajirka la xoojin lahaa.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalka dib ugu laabto doorasho dadban, isla markaana awoodda loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.

10- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay warbixin sanadeedka 2024-ka ee horumarka maaliyadeed ee dalka.

12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira dalka.

13- Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shaaciyay in uu siโ€™ rasmi ah u xirmayay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

14- Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti ayaa u dabaaldegay sannadguuradii 48-aad markii ay ka xoroobeen gumeysigii Faransiiska.

15- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah ee goobahii batroolka la sahmiyay.

16- Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay munaasabad lagu xusaayay 65 sanno guurada kasoo wareegtay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

18- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa siโ€™ wadajir ah u fuliyey hawlgal lagu diley 13 ka tirsan maliishiyada Khawaarijta oo ka dhacay Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Dowlad Goboleedka HirShabelle.

19- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Mrs .Kristina Svensson oo aheyd shanti sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya.

20- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan kaarka aqoonsiga qaranka si ay u helaan adeegyada Wasaaradda.

21- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday Dowladda Qadar.

22- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa gaaray dalka Aljeeriyaa uu uga qeybgalay shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta.

23- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulkadir Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay garsoore heer caalami ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ka mid ah garsoorayaasha ugu firfircoon qaaradda Afrika.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la kulmay Madaxa Hawlgalka Xafiiska Hayโ€™adda UNICEF ee Soomaaliya ,Mads Oyen.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo xiray Tartanka Ciyaarta Kubbada Koleyga ee dogmooyinka Gobolka Banaadir.

26- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

27- Hawlgallo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Shabeelleha Dhexe ee HirShabeelle ayaa lagu burburiyey labo xarumood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen farsamada gaadiidka dagaalka iyo keydka hubka.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga.

30- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr.Cali Xaaji Aadam ayaa kulan sagootin la yeeshay ,Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya oo dhamaysatay muddo xileedkeedii dalka ay ku joogtay.

31- Ciidamada Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidamada Uganda ee UPDF ayaa siโ€™ wadajir ula wareegay degaanada halbawlaha ah ee Sabiib iyo Caanoole.

 

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb-galay shir ay isuga yimaadeen wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta oo looga arrinsaday dagaalka u dhaxeeye Iraan iyo Israaโ€™iil.

33- Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa sii wada guulaha ay ka gaareen Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo ka saaray Al-Shabaab deegaanka Masaajid Cali Gadud ee dowlad-goboleedka HirShabeelle.

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda

Maxaas (SONNA): Ciidamada xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa galabta Khawaarijta ku…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kooxda Xamaas oo Gantaalo ku Weerartay Israaโ€™iil

Wararka ka imaanaya dhulka reer Falastiin ayaa sheegaya in kooxda Xamaas ย ee maamusha marinka Gaza ee go'doonsan ay bilaabeen hawlgal…

Caalamka
October 7, 2023

Madaxweyne Farmajo oo Xukuumadda faray tayaynta adeegga caafimaad ee xarumaha karantiilka Covid-19

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta…

Wararka
April 24, 2020

Guddoomiye Muuddeey oo daah-furay dib u how-gelinta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Caddaaladda, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka , xildhibaanno ka tirsan…

Wararka
September 27, 2019

Maamulka Cisbitaalka Banaadir oo u dabbaaldegay xuska sanadguurada 48-aad

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Cisbitaalka Banaadir ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusaayey waxqabadka iyo xuska sanadguurada…

Gudaha
February 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023