Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha

By SB
Last updated: June 12, 2025
3 Min Read
Share

Changsha(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay maanta Magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane Wang Yi, oo sidoo kale ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha.

Kulankan oo dhacay xilli ay socdeen Bandhigga 4aad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika, iyo shirkii Wasiirrada Isku-duwayaasha FOCAC, ayaa ku beegmay sanad-guuradii 65-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, waxaana Soomaaliya ahayd waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika xiriir la sameeya Shiinaha 1960kii.

Labada dhinac waxa ay mar kale xaqiijiyeen saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxaysa, is-ixtiraamka joogtada ah, iyo sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhawaan la kordhiyay.

Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerrada ay siisay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo suuq-geynta badeecadaha Soomaaliyeed, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta kobcinta awoodda aadanaha iyo adeegyada dhijitaalka ah, si waafaqsan qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir Wang Yi ayaa ku ammaanay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay taageeridda Shiinaha ee soo noqoshadii ay ugu soo laabatay masraxa caalamka, wuxuuna muujiyay qadarin weyn oo uu u hayo mabda’a cad ee Soomaaliya ka taagan tahay arrimaha Shiinaha. Waxa uu ballan qaaday in Shiinuhu si buuxda ula shaqeyn doono Soomaaliya si loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah oo hoos yimaada FOCAC, kuwaas oo diiradda lagu saarayo natiijooyin muuqda oo nolosha shacabka wax ka beddela.

Wang Yi waxa uu sidoo kale sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale, isagoo dhiirrigelinaya maalgelinta shirkadaha Shiineeska ee ka shaqeynaya Soomaaliya, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha, warshadaynta, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Labada wasiir waxay si buuxda u muujiyeen inay si dhab ah u garab taagan yihiin midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Waxa ay si cad u muujiyeen inay diyaar u yihiin inay si wadajir ah uga shaqeeyaan mustaqbal ay ku saleysan tahay nabad, horumar, iyo iskaashi dhab ah oo miro-dhal ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka hadlay Shirka Warbaahinta Carabta ee ka socda Tunisia

Tunis-(SONNA)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdulaahi Xayir Ducaale ayaa ka war bixiyay kulamo uu la qaatay madaxda ka qayb…

GudahaWararka
January 17, 2024

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES…

GudahaWararka
November 10, 2025

Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)

Beryahaanba waxaa jiray far isku tag ka dhex aloosnaa Dowladaha Soomaaliay iyo Itoobiya, kaasi oo ku aadan damac gurracan oo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 11, 2024

Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Shirkadda Huawei

Beijing, (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ganacsiga Huawei ee…

GudahaWararka
September 6, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023