Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisaย ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul goโ€™ ay sababeen roobab ka daโ€™ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐š๐š๐› ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ก ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ-๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐š๐๐š๐ง
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐š๐š๐› ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ก ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ-๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐š๐๐š๐ง
GudahaWararka

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐š๐š๐› ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ก ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ-๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐š๐๐š๐ง

By Axmed
Last updated: June 5, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay la wareegay xafiiska Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale u Magacaaabay Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, asigoona sheegay in uu fulin doonno tilmaamaha iyo dardaarankiisa ku aadan horumarinta Magaala Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Magacaabistiisa ay ku soo aadeyso xilli ay Magaala Madaxda wajahayso Caqabado waawayn sida bur-burka Waddooyinka, Nadaafadda oo liidata, Biyo Mareenada oo bur-bursan, Korrimada caasimadda ee aan lahayn Qorshe Magaalo, Arrimaha Caddeynta Maqaamka Caasimadda iyo Matalaadda G/Banaadir oo weli aan la dhamaystirin, bixinta adeegyada bulshada oo tiro iyo tayo ahaanba hooseeysa, Nidaamka aruurinta Canshuuraha & Khidmadaha oo hagaajin iyo casriyeeyn u baahan, cabashada Muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda oo aan intooda badan laga jawaabin, isku xerka Bulshada iyo Laamaha Amniga iyo culeesyo kale oo u baahan xal waara iyo wada jir in lagu wajaho.

Waxa uu xusay in uu kalsooni buuxda ku qabo arigtida hogaamineed ee Hawlwadeenada Maamulka G/Banaadir iyo wada shaqyanta dhammaan heyโ€™adaha Dawladda, Ganacsatada iyo Hogaamiyaasha Bulshada qaybahooda kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in ay kaalin weyn ka geystaan hirgelinta ahdaafta Horumarinayd ee Caasimadda, iyadoo lagu shaqeenayo mabdaโ€™a ah โ€œHAWL IYO HUFNAAN oo sal looga dhigayo isku-tashi iyo isku-filnaan, si loo gaaro Magaalo Nabad ah, is-doorata, Lagu dhanyahay, lehna awood soo Kabasho iyo waaritaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in xilligaan dhaw ee ku siman 100 ka maalin ee ugu horeyso, uu si gaar ah xoogga u saari doonno arrimaha soo socda:-

1. Dardargalinta Wacyigelinta bulshada Gobolka si sare loogu qaado fahamka bulshada ee la xiriira ahmiyadda ay leedahay doorashada tooska ah iyo matalaadda si ay kor ugu kacdo tirada is-diiwangalinta cod-bixiyaasha doorashooyinka.

2. Xoojinta Amniga iyo Nabad-galyada Gobolka Banaadir anigoo dib u hawlgali doono Guddigii Amniga Gobolka kaas oo qaadan doono doorkiisa ah jihaynta, xiriirinta iyo kor joogtaynta hawlaha amni sugidda iyo horumarinta adeegyada Garsoorka ee Gobolka Banaadir.

3. Si loo xoojiyo kaalinta Bulshada ee amniga, waxaan Taaba gelin doonaa barnaamij Darisayn oo loo daadajiyomin Degmo ilaa 10 tireye, sidoo kalane waxaan adkayn doonaa amniga Xeyndaabka Caasimadda.

4. Taageeridda iyo garab istaagga Hawlgallada dib u xoraynta Dalka ee la dagaalanka Khawaarijta si looga sifeeyo guud ahaan dalka.

5. Si waafaqsan sharciga Shaqaalaha D/Hoose Lr 28 Biis ee soo baxay 21 kii Feb, 1976 iyo sharciyada kale ee khuseeya Maamulka Maaliyadda iyo Dhulalka, Waxaan Dib u habayn ballaaran ku samayn doonaa Nidaamka Dakhli aruurinta, Kharash bixinta, Maamulka Shaqaalaha & Dhulka iyo xoojinta Hanti-dhawrka Gudaha si kor loogu qaado maamul wanaagga, tayada adeegyada D/Hoose,Waxqabadka maamulka iyo kalsoonidda ay Muwaadiniinta ku qabaan adeegyada D/Hoose.

6. Hawlaha Nadaafadda Caasimadda ayaan si deg deg ah wax uga qaban doonnaa annagoo soo saari doono xeer hoosaad hagaya hawlaha nadaafadda guud iyo maaraynta khashinka, xoojinaynana awoodda maamulka, dib u eegis iyo la xisaabtan na ku samayn-doonno Shirkadaha bah-wadaagta kula ah Maamulka G/Banaadir dhinaca adeegyada Nadaafadda Caasimadda iyo in aan daah-furi doonnoo Barnaamijka ABAAL MARINTA DEGMO, oo waxyaabaha aan ku qiimayn doonno Degmooyinka ay ka mid tahay Nadaafadda Degmada.

7. Waxaan sidoo kale ka hawlagli doonaa Dib u dayactirka Wadooyinka ku bur-buray Roobabka iyo Dib u soo noolaynta Mashruuca Nalaynta Caaasimadda.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in uu xooga saari doonno Horumarinta Adeegyada bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Ciyaaraha, Nadaafadda, bilicda, Cagaarinta Caasimadda, Adeegyada gurmadka deg-degga ah, gar-gaarka bani-aadanimada iyo xal ka gaarista barakacyaasha, diyaarinta Qorshe Magaalo oo biloow u noqda in xal waara laga gaaro dib u dhiska Wadooyinka, Buundooyinka, Bullaacadaha, biyo Mareenada iyo dib u naqshadaynta kaabayasha jidadka si loo sahlo isku socodka gaadiidka iyo bad-qabka dadweynaha, iyadoo la kaashan doono Xukuumadda Fadaraalka ee uu hogamiyo Raโ€™isul Wasaare Xamza Cabdi Bare, Ganacsatada, khubarada Dalka iyo bahwadaagta kale ee taageerta Soomaaliya.

Waxa uu balan qaaday in uu xooga saari doonni; Amniga, Nabadda Caasimadda, Taageera siinta Hawlgalka Dagaalka Ka dhanka ah Khawaarijta, Gacan siinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka si uu kaalin taageero ugu qaato qabsoomidda Doorashooyinka Tooska ah ee ka dhacaya G/Banaadir, Xoojinta Caddaaladda Bulshada iyadoo lala shaqeenaayo heyโ€™adaha Garsoorka heerarkooda kala duwan.

Si loola dagaalo saboolnimada iyo shaqa laโ€™aanta dhalinyarada, Waxaana dhiiragelin loo sameyn doonaa Ganacsiga yar yarka ah, Waxbarashada Farsamada Gacanta, abuurista mashaariic horumarineed iyo Maalgashiga si Caasimadda ay u suuragaliso fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed ugana badbaadaan khatarta tahriibka iyo khataraha kale ee marin habaabineed ee kooxaha Khawaarijta.

Awood siinta iyo la tashiga guud ahaan bulshada qaybaheeda, iyadoo udub dhexaad loogu dhigi doono talada iyo dadaalada horumarinta Gobolka iyo Caasimadda, lana xoojin doonno dib u soo noolaynta xiriirka iskaashi ee Magaalooyinka Caalamka iyo Muqdisho, iyo sidoo kale saaxiibada Soomaaliya taageera si ay gacan nooga siiyaan ka guul gaarista ahdaafteena horumarineed ee Caasimadda Dalka.

 

โ€”๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒโ€”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Beladweyne

Beladweyne (SONNA) - Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo gelinkii dambe ee maanta ka amba baxay Muqdisho ayaa…

Wararka
January 21, 2020

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay la-taliyaha Barnaamijyada argagaxisida ee Safaaradda Maraykanka

Muqdisho-(SONNA)-Xeer-ilaaliyaha Guud ee qaranka mdane Xuleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay lataliyaha barnaamijyada argagixisada ee…

GudahaWararka
January 23, 2022

Taliyaasha Booliska iyo Militariga oo ka qaybgalay furitaanka tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Muqdisho (SONNA): Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub…

GudahaWararka
July 24, 2024

Wasiir Daaโ€™uud Aweys: โ€œWaxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.โ€

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda…

GudahaWararka
September 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023