Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐š๐š๐› ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ก ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ-๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐š๐๐š๐ง
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐š๐š๐› ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ก ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ-๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐š๐๐š๐ง
GudahaWararka

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐š๐š๐› ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ก ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ-๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐š๐๐š๐ง

By SB
Last updated: June 5, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay la wareegay xafiiska Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale u Magacaaabay Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, asigoona sheegay in uu fulin doonno tilmaamaha iyo dardaarankiisa ku aadan horumarinta Magaala Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Magacaabistiisa ay ku soo aadeyso xilli ay Magaala Madaxda wajahayso Caqabado waawayn sida bur-burka Waddooyinka, Nadaafadda oo liidata, Biyo Mareenada oo bur-bursan, Korrimada caasimadda ee aan lahayn Qorshe Magaalo, Arrimaha Caddeynta Maqaamka Caasimadda iyo Matalaadda G/Banaadir oo weli aan la dhamaystirin, bixinta adeegyada bulshada oo tiro iyo tayo ahaanba hooseeysa, Nidaamka aruurinta Canshuuraha & Khidmadaha oo hagaajin iyo casriyeeyn u baahan, cabashada Muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda oo aan intooda badan laga jawaabin, isku xerka Bulshada iyo Laamaha Amniga iyo culeesyo kale oo u baahan xal waara iyo wada jir in lagu wajaho.

Waxa uu xusay in uu kalsooni buuxda ku qabo arigtida hogaamineed ee Hawlwadeenada Maamulka G/Banaadir iyo wada shaqyanta dhammaan heyโ€™adaha Dawladda, Ganacsatada iyo Hogaamiyaasha Bulshada qaybahooda kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in ay kaalin weyn ka geystaan hirgelinta ahdaafta Horumarinayd ee Caasimadda, iyadoo lagu shaqeenayo mabdaโ€™a ah โ€œHAWL IYO HUFNAAN oo sal looga dhigayo isku-tashi iyo isku-filnaan, si loo gaaro Magaalo Nabad ah, is-doorata, Lagu dhanyahay, lehna awood soo Kabasho iyo waaritaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in xilligaan dhaw ee ku siman 100 ka maalin ee ugu horeyso, uu si gaar ah xoogga u saari doonno arrimaha soo socda:-

1. Dardargalinta Wacyigelinta bulshada Gobolka si sare loogu qaado fahamka bulshada ee la xiriira ahmiyadda ay leedahay doorashada tooska ah iyo matalaadda si ay kor ugu kacdo tirada is-diiwangalinta cod-bixiyaasha doorashooyinka.

2. Xoojinta Amniga iyo Nabad-galyada Gobolka Banaadir anigoo dib u hawlgali doono Guddigii Amniga Gobolka kaas oo qaadan doono doorkiisa ah jihaynta, xiriirinta iyo kor joogtaynta hawlaha amni sugidda iyo horumarinta adeegyada Garsoorka ee Gobolka Banaadir.

3. Si loo xoojiyo kaalinta Bulshada ee amniga, waxaan Taaba gelin doonaa barnaamij Darisayn oo loo daadajiyomin Degmo ilaa 10 tireye, sidoo kalane waxaan adkayn doonaa amniga Xeyndaabka Caasimadda.

4. Taageeridda iyo garab istaagga Hawlgallada dib u xoraynta Dalka ee la dagaalanka Khawaarijta si looga sifeeyo guud ahaan dalka.

5. Si waafaqsan sharciga Shaqaalaha D/Hoose Lr 28 Biis ee soo baxay 21 kii Feb, 1976 iyo sharciyada kale ee khuseeya Maamulka Maaliyadda iyo Dhulalka, Waxaan Dib u habayn ballaaran ku samayn doonaa Nidaamka Dakhli aruurinta, Kharash bixinta, Maamulka Shaqaalaha & Dhulka iyo xoojinta Hanti-dhawrka Gudaha si kor loogu qaado maamul wanaagga, tayada adeegyada D/Hoose,Waxqabadka maamulka iyo kalsoonidda ay Muwaadiniinta ku qabaan adeegyada D/Hoose.

6. Hawlaha Nadaafadda Caasimadda ayaan si deg deg ah wax uga qaban doonnaa annagoo soo saari doono xeer hoosaad hagaya hawlaha nadaafadda guud iyo maaraynta khashinka, xoojinaynana awoodda maamulka, dib u eegis iyo la xisaabtan na ku samayn-doonno Shirkadaha bah-wadaagta kula ah Maamulka G/Banaadir dhinaca adeegyada Nadaafadda Caasimadda iyo in aan daah-furi doonnoo Barnaamijka ABAAL MARINTA DEGMO, oo waxyaabaha aan ku qiimayn doonno Degmooyinka ay ka mid tahay Nadaafadda Degmada.

7. Waxaan sidoo kale ka hawlagli doonaa Dib u dayactirka Wadooyinka ku bur-buray Roobabka iyo Dib u soo noolaynta Mashruuca Nalaynta Caaasimadda.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in uu xooga saari doonno Horumarinta Adeegyada bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Ciyaaraha, Nadaafadda, bilicda, Cagaarinta Caasimadda, Adeegyada gurmadka deg-degga ah, gar-gaarka bani-aadanimada iyo xal ka gaarista barakacyaasha, diyaarinta Qorshe Magaalo oo biloow u noqda in xal waara laga gaaro dib u dhiska Wadooyinka, Buundooyinka, Bullaacadaha, biyo Mareenada iyo dib u naqshadaynta kaabayasha jidadka si loo sahlo isku socodka gaadiidka iyo bad-qabka dadweynaha, iyadoo la kaashan doono Xukuumadda Fadaraalka ee uu hogamiyo Raโ€™isul Wasaare Xamza Cabdi Bare, Ganacsatada, khubarada Dalka iyo bahwadaagta kale ee taageerta Soomaaliya.

Waxa uu balan qaaday in uu xooga saari doonni; Amniga, Nabadda Caasimadda, Taageera siinta Hawlgalka Dagaalka Ka dhanka ah Khawaarijta, Gacan siinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka si uu kaalin taageero ugu qaato qabsoomidda Doorashooyinka Tooska ah ee ka dhacaya G/Banaadir, Xoojinta Caddaaladda Bulshada iyadoo lala shaqeenaayo heyโ€™adaha Garsoorka heerarkooda kala duwan.

Si loola dagaalo saboolnimada iyo shaqa laโ€™aanta dhalinyarada, Waxaana dhiiragelin loo sameyn doonaa Ganacsiga yar yarka ah, Waxbarashada Farsamada Gacanta, abuurista mashaariic horumarineed iyo Maalgashiga si Caasimadda ay u suuragaliso fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed ugana badbaadaan khatarta tahriibka iyo khataraha kale ee marin habaabineed ee kooxaha Khawaarijta.

Awood siinta iyo la tashiga guud ahaan bulshada qaybaheeda, iyadoo udub dhexaad loogu dhigi doono talada iyo dadaalada horumarinta Gobolka iyo Caasimadda, lana xoojin doonno dib u soo noolaynta xiriirka iskaashi ee Magaalooyinka Caalamka iyo Muqdisho, iyo sidoo kale saaxiibada Soomaaliya taageera si ay gacan nooga siiyaan ka guul gaarista ahdaafteena horumarineed ee Caasimadda Dalka.

 

โ€”๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒโ€”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Ganacsiga XFS oo la wadaagay maalgashato reer Talyaani ah fursadaha maalgalin ee Soomaaliya ka jirta

Rome-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan…

GudahaWararka
February 14, 2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH ISMAACIIL MAXAMUUD CIGAAL.

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay…

GudahaWararka
December 31, 2022

Wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga XFS oo dalka Urdun ugu qaybgalay shirka dhallinyarada Carbeed

Cammaan-Urdun-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Cammaan ee xarunta…

GudahaWararka
July 10, 2025

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Amb. Kullane oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Beijing.(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane Cali ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay daah-furka shirka Shiinaha iyo…

GudahaWararka
April 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023